Wasiirka Arimaha Afrika ee Ingiriiska oo cambaareeyay qaraxiii shalay kadhacay Muqdisho

0
Wednesday August 31, 2016 - 09:41:02 in by Burco Office
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Afrika ee Ingiriiska oo cambaareeyay qaraxiii shalay kadhacay Muqdisho

    Waziirka Arimaha Bariga Dhexe iyo Afrika ee dawlada Ingiriiska, Tobias Ellwood ayaa cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waziirka Arimaha Bariga Dhexe iyo Afrika ee dawlada Ingiriiska, Tobias Ellwood ayaa cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.


Tobias Ellwood wuxuu sidoo kale tacsi u diray dadkii eheladoodu ku geeriyoodeen qaraxaa.


Bayaan uu soo saaray shalay ayaa Ellwood uu ku sheegay inuu si aad ah u cambaareeynaayo weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho kaasoo galaaftay nafafyaalka dad badan.

'Dareenkeygu wuxuu la jiraa qoysaska dhibbaneyaasha iyo dadkii ku dhaawacmay. Weerarkaa iyo kuwa la midka ah sida qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo ka dhacay 21kii Agoosto iyo weerarkii lagu qaaday asbuucii lasoo dhaafay Banadir beach hotel waxay un xoojinayaan go'aankeena aanu kala shaqeyneyno dadka Soomaaliyeed dadaalkooda ay ku dhisayaan mustaqbal sugan oo daggan'. Sidaa ayuu yiri.

'Dawlada UK waxay ku taageereysaa laamaha ammaanka ee Soomaaliya, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo shiriigyada kale ee caalamiga ah sidii looga hortagi lahaa khatarta al-Shabaab'. Tobias Ellwood ayaa intaa raaciyay.

Bayaanka waziirkaasi wuxuu sidoo kale ku xusay in dawlada dalkiisu sii wadeyso taageerada ay ka siiso Soomaaliya dhanka la dagaalanka xagjirnimada iyo halganka ay ugu jirto hannaanka doorasho nabad ah sanadkaan.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Aug/wararka_maanta31-107370.htm#sthash.C6cN6Lac.dpuf