Warbixin: Lacagta Ay Koox Walba Oo Premier League Ah Qarashgareysay Xagaagan, Kooxdee Faa'ido Sameysay? Kooxdee Lacagta Ugu Badan Qarashgareysay?

0
Thursday September 01, 2016 - 15:11:38 in by Burco Office
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Lacagta Ay Koox Walba Oo Premier League Ah Qarashgareysay Xagaagan, Kooxdee Faa'ido Sameysay? Kooxdee Lacagta Ugu Badan Qarashgareysay?

    Kooxaha Premier League ayaa qarashgareeyay 1.75 bilyan ginni intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga, waana markii ugu horeysay abid ee ay dhaafaan 1 bilyan ginni.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Premier League ayaa qarashgareeyay 1.75 bilyan ginni intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga, waana markii ugu horeysay abid ee ay dhaafaan 1 bilyan ginni.


Manchester City ayaa hogaamineysa kooxaha lacagta badan qarashgareysay iyadoo 174.5 milyan ginni ku qarashgareeyay John Stones (£50m), Leroy Sane (£37m), Gabriel Jesus (£27m), Ilkay Gundogan (£21m), Claudio Bravo (£17.1m), Nolito (£13.8m), Marlos Moreno (£4.75m) iyo Oleksandr Zinchenko (£3.4m).

Deriskooda Manchester United ayaa ah kooxda labaad ee ku soo xigta ee lacagta badan qarashgareysay xagaagan iyadoo Jose Mourinho uu kooxdiisa ku maalgeliyay 149.55 milyan ginni oo uu ku soo iibsaday heshiiska rikoorka adduunka Paul Pogba (£93.25m), Eric Bailly (£30m) iyo Henrikh Mkhitaryan (£26.3m).


Chelsea ayaa kaalinta 3aad ku jirta iyadoo tababare Antonio Conte uu 119.2 milyan ginni ku qarashgareeyay saxiixyada Mitchy Batshuayi, N’Golo Kante, Marcos Alonso, iyo David Luiz.

Xagaagii hore Arsenal waxa ay suuqa kala iibsiga ku qarashgareysay kaliya 10 milyan ginni oo ay ku soo iibsadeen Petr Cech, laakiin xagaagan Arsene Wenger lacag ayuu bixiyay 88.1 milyan ginni ayuu ku qarashgareeyay Shkodran Mustafi (£35m), Granit Xhaka (£34m), Lucas Perez (£17.1m) iyo Rob Holding (£2m) weliba waa iyadoo aan la ogeyn lacagta uu ku soo iibsaday Takumo Asano iyo Kelechi Nwakali.

13 kooxood oo Premier League ayaa xagaagan jabiyay rikoorkooda gaarka ah ee suuqa kala iibsiga, kooxdii ugu danbeysay ee rikoorkeeda suuqa kala iibsiga jabisa waxa ay aheyd Sunderland oo 13.6 milyan ginni kula soo wareegtay xiddiga Gabon Didier Ndong.


3776668

Dhanka iska iibinta wax iska iibinta waxaa u sareysa kooxda Liverpool oo lacag gaareysa 84.4 milyan ginni ku heshay iibka 11 ciyaaryahan oo ay ku jiraan Christian Benteke (£32m), Jordon Ibe (£15m), Joe Allen (£13m), Luis Alberto (£6m), Brad Smith (£6m) iyo Martin Skrtel (£5m) oo dhamaantood kooxda ka tagay

Southampton (£64m), Everton (£50m), Crystal Palace (£46m), Swansea (£41.9m), Leicester (£41.35m) and Tottenham (£35.7m) ayaa iyagana lacag badan ka helay suuqa kala iibsiga xagaaga.

3776671

Laakiin kaliya seddex kooxood oo Premier League ayaa faa’ido ka sameeyay suuqa kala iibsiga xagaaga, waa marka la kala jaro lacagta ay qarashgareeyeen iyo lacagta soo gashay ee ay ciyaartoyda isaga iibiyeen. Southampton waxa ay sameysay 20.2 milyan ginni oo faa’ido ah, Liverpool waxa ay sameysay 14.5 milyan ginni oo faa’ido ah, halka Everton ay sameysay 1.90 milyan ginni oo faa’ido ah.