Xiddigihii Bulshooy Way Baabe'een:!Maanso Kooban: Waxa tiriyey. Abwaan: Cawil Axmed Cabdillaahi.

0
Sunday September 04, 2016 - 11:15:11 in by salman abdi
  • Visits: 1676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddigihii Bulshooy Way Baabe'een:!Maanso Kooban: Waxa tiriyey. Abwaan: Cawil Axmed Cabdillaahi.

    Xasankii berya ba U ahaa budhtuur Mar hadduu ka baxay Xiddigihii Bulshooy Way baabe'een.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasankii berya ba U ahaa budhtuur Mar hadduu ka baxay Xiddigihii Bulshooy Way baabe'een.


B-K Markii
Balankoodii hore
Ay kaga baxeen
Ayaa Waa Balee
Burjigoodi iyo
Buurudkoodi jabay.

Boqorkoodi iyo
Wuxu ahaa Bir adag
Oo baal dhan iyo
Kaga beegan meel.
Bandhiggiisi Yurub
Dadku Buuxiyeen
Waxay Bixinayeen
Badhkii uu ka Helay
Ayey Beesad iyo
Boqollaal Na sii
Ku Bariidiyeen
Sidii reer bakool.

Isna Sooryo Bilan
Waabu Bixinayee
Wuu na baal mariyo
Baabuurro iyo
Binuu dhisanayaa
Ayey Baahiyeen
Oo Website-yo badan
Badheedh ugu qoreen
Cable iyo Bulshana
Kaga buuqayeen.

Siduu bahal yahay
Beerhoof eryeen
Wax baranayoo
Wuu soo baxee.

Waxa taa ka ba'an
Burcay soo qabteen
Bas intay koreen
Dhiganay baryeen
Isna baal la orod
U ballami hotel
Una gee barjahay
Baaqdheer u dire
Shacabkii Burcee
Fanka baadhi jiray
Kulahaa bulshooy
Wan balweynaynaa
Baashaal waa jiraa
Isu soo baxoo
Baarka kaalayoo
Bogta heesahana
Illeen waa Burcoo
Ma badhaacisee
Budhkii qaate oo
Lagu boob dhagaxa.

Bini aadamkaan
Barwaqada Xejine
Magacii u Baxay
Miin Banaadir iyo
Baydhabiyo Wajeer
Jabuutiyo Belbela
Badhtamaha jigjiga
Baarliinyo Gadar
Boon iyo Baariis
Ee Badaha iyo
Dhulka baaxada leh
Ku balaadhay bay
Dumiyeen bill qudha.

Bulshadiyo dadkii
U buseelayee
Buunbuuniyaa
Ay ku badhi fureen
Sidii bilis haween.

Birgaydhkoodi iyo
Kii Bilaabay ee
Ummadda ba baray
Banaan Kaga Tageen.

Baradiyo dalkii
Soo barbaariyee
Billadaha u xidhay
Waa bay beeniyeen.

Nimcaan balayax Iyo
Haniyoo baf qaba
Burmad iyo xamdiyo
Yurub iyo bakaal
Furinlaha bartee
Biyaanada tuntuma
Maxay Biiriyaan.

Halkii loo ballamay
Bartii ay ahayd
Way baal mareen
Badulkiyo jidkii
Fanka lagu bartiyo
Baabkii Waaberina
Way ka bara baxeen
Haadaan iyo Bohol
Iyo baac gun dheer
Laga bixi karayn
Badhtanka u galee
Yaa badbaadiyaay.