Eden Hazard Oo Si Dadban U Weeraray Jose Mourinho Si La Mid Ah Sidii Uu Sergio Ramos Falay Sanado Ka Hor

0
Wednesday September 07, 2016 - 11:14:35 in by salman abdi
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Oo Si Dadban U Weeraray Jose Mourinho Si La Mid Ah Sidii Uu Sergio Ramos Falay Sanado Ka Hor

    Garabka Chelsea Eden Hazard ayaan wali ka daalin inuu ku digto macalinkiisii hore Jose Mourinho kaas oo haatan ku sugan Manchester United.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabka Chelsea Eden Hazard ayaan wali ka daalin inuu ku digto macalinkiisii hore Jose Mourinho kaas oo haatan ku sugan Manchester United.


Hazard oo qaab ciyaareed liita soo bandhigay xagaagii lasoo dhaafay sidoo kalana ahaa xidigii ugu wanaagsanaa EPL-ka xili ciyaareedka 2014/2015 ayaa markaan si dadban u weeraray Jose Mourinho madama uu taabtay arinta kaliya ee kala duweysa Jose Iyo Conte.

"Waxaan siinay wax walba isaga” ayuu yiri Eden Hazard oo u warmaayay Jariiradda L’Equipe

"Wali waaxaan ahay isla ciyaariyahankii. Conte wuxuu nasiiyay kalsooni kadib xili ciyaareed foolxun oo aan qaadanay. Conte wuu yaqaanaa ciyaartoyda, sababtoo ah waqti ayuu ciyaartoy soo ahaa”

Eden Hazard ayaa muujiyay sida uusan tababare Jose Mourinho uaqoonin habka loola macaamilo ciyaartoyda madama uusan ciyaartoy xirfadle heer sare ah noqon sida Antonio Conte.

Hazard

Si kastaba dhawr jeer isku dhaceen Mourinho Iyo Hazard ka hor inta aan macalinka reer Portugal laga ceyrin shaqada Blues bishii December ee sanadkii hore.

Hadii aadan xasuusan Jose Mourinho waligiis ma noqon ciyaartoy (Xirfadle) heer sare ah, Hazard-na maahan xidigii ugu horeeyay ee xaqiiqada tilmaama, kabtanka haatan ee Madrid Sergio Ramos ayaa sidaas oo kale ku digtay Jose markii uu kooxdayimid Carlo Ancelotti.

"Madrid waxey u baahan tahay qof fahmi kara ciyaartoyda, Ancelotti si dhameystiran ayuu u fahmayaa. wuxuu ahaa ciyaartoy qudhiisa gashan kara kabaha kubadda cagta”