Dugsiga Jamaal cabdi Naasir Ayaa Xaflad Sagootin Ah U Qabtay Macalamiinta Masaarida Oo Ku Laabn Doonta Dalkooda+Sawirro‏

0
Friday June 06, 2014 - 19:30:01 in by Super Admin
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsiga Jamaal cabdi Naasir Ayaa Xaflad Sagootin Ah U Qabtay Macalamiinta Masaarida Oo Ku Laabn Doonta Dalkooda+Sawirro‏

    Ardayda Iyo Maamulka Dugsigu waxay Gudoonsiiyeen Macalamiinta Masaarida Ah Shahaado Sharaf yo Ay Ku Maamuuseen Heerka Ay Soo Gaadhsiiyeen Gobolka Iyo DUgsigaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ardayda Iyo Maamulka Dugsigu waxay Gudoonsiiyeen Macalamiinta Masaarida Ah Shahaado Sharaf yo Ay Ku Maamuuseen Heerka Ay Soo Gaadhsiiyeen Gobolka Iyo DUgsigaba.

Dugsiga Jamaal Cabdi Naasir Oo Ka Mid Ah Dugsiyada Ugu Qadiimsan Somaliland Isla Markaana Ay wax ka Dhigaan Macalamiinta  Ajaanib Ka Ah Khaasatn Wadanka Masar Ayaa Maanta Xaflad  Sogootin Ah U Qabtay in ka badan sedx Macalin Oo Mudo afar Sano Ah Wax Ka DHigaayey Dugsigani Waxaana Munaasibaasi Soo Agaasimay Ardayda Fasaladda (4aad 3aad 2aad 1aad)Ee Dugsiga Sare Ayadoona AY Munaasibadaasi Kasoo Qayb Galeen Masuuliyiin Ka Socotay Wasaarada Wax Barashada Maamulka Degmada Iyo Waaladiinta Ardayda DHigata Dugsigani.

Waxaana Ugu Horayn Halkaasi Ka Hadlay Maamulaha Dugisaga Jamaal Cabdi Naasir Cali Ducaale Aadan Waxaana Uu U Mahad Naqay Macalimiinta Dugsiga Khaasatan KuwaMaasaarida Ee Haadan Lasii Sogootinaayo Kuwaas Oo Somaliland Joogay Mudo Ku Siman Mudo Afar Sano Ah.

Ustaad Yaxye Oo Ka Mid Ah Macalamiinta Loo Sameeyey Xafladan Sokootinta Ah Ayaa Uga Mahadnaqay Ardayda Jamaal Cabdi Naasir Sida Fiican Ee Ay U Sharfeen Waxaana Uu Sheegay Inuu Dalkiisa Kula noqon_doono Horu Marka Iyo Tayada wax Barasho ee Dugsigan Isla Markaana aanay Marna Maankiisa Ka Bixi Dooninin Dugsigan Iyo Ardaydan Sharafta Badan Ee Mudada Afarta Sano Ah Ay Wax U Soo DHigayeeen.

Macalin Xasan Oo Ku Hadlaayey Afka Macalamiinta Dugsiga Jamaal Cabdi Naasir Ayaa Ka waramay Doorka Aqoomeed Ee Macalamiintan Reer Masar ka Gaysteen Dugsigan waxaana Uu Sheegay In Aan Iyaga La,aantood Dugsigani Sameyeen Horu Mar Wax Barasho.

Mid Ka Mid AH Ardayda Dugsiga Oo Lagu Magacaabo C/rashiid Ibraahim Aadan Ayaa Ka Marakacay Aqoonta Baahsan Ee Ay Ka DHaxleen Macalamiintan Masaarida Ah Isagoona Mahad Naq Balaadhan U Soo Jeediyey Maamulka Iyo Macalamiinta Ka Timid Dalkoodi Si Ay Ugu Huraan Aqoontooda wax Barasho Walalahooda Reer Somaliland.

Abwaan Calanle Muuse Oo Ka Mid Ah Abwaanada Soomaaliyeed Kana Mid Ah Waaladiinta Dugsiga Ayaa isaguna Halkaasi Kasoo Jeediyey Hadalo Koob Koooban Oo Duco Iyo Mahad Naq U Badan Kuwaas Oo Ugu Mahadnaqaayo Wadanka Masar Deeqda Waxbarsho ee Dhamayska Tirana Taas Oo Ay Siiso Somaliland,Dawlada Somaliland na Ka Codsaday Kaalintoodii Oo Ilaa iyo Haatan Banaan Inay Buuxiyan.

Xidhibaan Khadar Nuux Siciid Ayaa Isaguna Ka Waramay Doorka Wax Barasho ee Uu Dugsiga Jamaal Cabdi Naasir Kaga Jiro Dalka.

Masuul Ka Tirsan wasaarada wax Barashada Oo Soo Afmeeray Munaasibadaasi ayaa Uga Mahad celiyey Macalimiinta Masaarida Ah Doorka Ay Ka Qaateen Wax Barashada Gobolka Togdheer Abaal Wayn Na Ay Ugu Hayaan Macalamiintaasi Isagoo Mahad Naq Balaadhanna U Jeediyey Dawlada Masar Oo aanay Iyada La,aanteed Macalamiintani Joogeen Somaliland.

Gaba Gabadiian waxaa Ardayda Iyo Maamulka Dugsigu Gudoonsiiyeen Macalamiinta Masaarida Ah Shahaado Sharaf yo Ay Ku Maamuuseen Heerka Ay Soo Gaadhsiiyeen Gobolka Iyo DUgsigaba.

Isku soo wada Duub Oo Dugsiga Jamaal Cabdi Naasir Oo La Aasaasay Sanadkii 1950kii Ayaa Haatan Ah Mid Ka Mid Ah Dugsiyada Ugu Qadiimsan Somaliland Isla Markaana Aanay wasaarada wax Barashadu ka War haynin Macalamiinta Iyo Ardayda intaba Waxaana Uu Dugsigu Haatan Ku Tiir Sanyahay Macalamiinta Masaarida Ah Kuwaas Oo Ay Kusoo Deeqdo Dalka Masar.



Shaafici Maxamed Ibraahim

Afkashacabka.com /Burco Office

shaaficimaxamed@gmail.com