Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee adduunka FIFA,Sepp Blatter Ayaa ka hadlay ciyaaraha adduunka iyo Wararkii Cayaaraha oo xiiso badan

0
Friday June 06, 2014 - 20:33:07 in by Super Admin
  • Visits: 1752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee adduunka FIFA,Sepp Blatter Ayaa ka hadlay ciyaaraha adduunka iyo Wararkii Cayaaraha oo xiiso badan

    Sixiroole u dhashay dalka Ghana oo sheegay inuu sixray Cristiano Ronaldo Iyo Qodobo Kale Oo La Xidhiidha K/Aduunka. iyo Robin van Persie Oo dhakhaatiir loo dirayo si loo hubiyo inuu ciyaari karo kulanka Spain Ee K/ Aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sixiroole u dhashay dalka Ghana oo sheegay inuu sixray Cristiano Ronaldo Iyo Qodobo Kale Oo La Xidhiidha K/Aduunka. iyo Robin van Persie Oo dhakhaatiir loo dirayo si loo hubiyo inuu ciyaari karo kulanka Spain Ee K/ Aduunka


 

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee adduunka FIFA,Sepp Blatter, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ciyaaraha adduunka ee todobaadka soo socda ka furmaya waddanka Brazil ay guul ku dhamaadaan.

Mr Blatter oo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, ayaa ugu baaqay shacabka Brazil in gacan ka geystaan ka guul gaarida habsami u qabsoomida tartanka koobka adduunka.

Hadalka Mr Blatter, ayaa kusoo beegmay xilli isu socodka magaalada Sao Paulo uu aad u adkaaday sababo la xiriira shaqo joojin ay sameeyeen darawaliinta tareennada ee magaalada, oo ah tan ay ka dhacayso ciyaarta lagu furayo koobka adduunka.



 

Sixiroole u dhashay dalka Ghana ayaa ku baaqay inaan laysku daalin dhaawaca Cristiano Ronaldo, isagoo yidhi waxaan sixray waqti hore si aanu u ciyaarin koobka aduunka, laacibkan ayaa ilaa hadda dhaawacan, shaki weyn ayaana ku jira ka qeybgalkiisa koobka adduunka.

 

 

Wargeysta "Frist Sports” oo laga leeyahay dalka Ghana ayaa sixiraagani u sheegay in isaga oo kaliya uu ogyahay dhaawaca Ronaldo, isagoo sii raaciyay aniga ayaa ku sameeyey .

Sixiraagan ayaa warkiisa sii raaciyay waxaan kaalmeystay Meydadka afar eey, kadibna waxaan ku guuleystay inaan la helo Ronaldo sixirka nooca madow.

Waxaa kaloo sixirowgu sheegan inaan dhakhtar daweyn kara aanu jirin Ronaldo, mushkiladu dhaawaca maah ee waa sixir guuleystay. Ayuu yidhi.

Waxaa xusid mudan in xulka Portugal ku jiro guruubka Germany, USA iyo Ghana, waxaana wararka ka imaanaya tababarka Portugal ey sheegayaan in Cristiano Ronaldo qarka u saaranyahay inuu waayo ka qeybgalka koobka aduunka.


Robin van Persie Oo dhakhaatiir loo dirayo si loo hubiyo inuu ciyaari karo kulanka Spain Ee K/ Aduunka


Weeraryahanka xulka Netherland Robin Van Persie ayaa qeybtii 2-aad la bedelay kulankii habeenkii xalay garoonka Arena kula yeesheen xulka Wales,oo 2-0 kaga adkaadeen,kaasi oo qeyb ka ah kulamada Holland isugu diyaarinayeen Koobka aduunka ee dhowaan furmi doona.

van

Tababaraha xulka Holland Louis Van Gaal ayaa sheegay in ciyaaryahanku horey uu u qabey dhaawac u diidey in mudo 6 todobaad ah kooxdiisa Manchester United u ciyaaro horyaalkii dhamaadey,iminkana ay eegayaan sida ay wax u gaadheen oo dhakhaatiirtu ka war dhowrayaan.

Xulka Netherland ayaa kulanka ugu horreeya ee Koobka aduunka wajihi doona xulka heysta koobka ee Spain waxaana tababare Van Gaal uu sheegay in shax kale kaga hortegi doona xulkaasi "Waxaynu la kulmi doonaa xulal adag sida Spain and Chile xalay shaxdii aynu tijaabiney kalama hortegi doono waxaynu u laaban doonaa 5-3-2 waan hubaa weliba Spain, kalama hortegayo 4-4-2 waayo macquul maaha.”ayuu raaciyey Tababaraha cusub ee Man UTD


Qiimayntii Ugu Danbaysay Ee Fifa iyo Brazil Oo Kalinta Saddexaad Soo Gashay


Qiimayta aya Samayso Fifa ee lagu qiimeeyo dalalka aduunka ayaa waxay Fifa soo saartay qiimayntii ugu danbaysay taas oo ay Brazil kaga jirto kaalinta 3 aad. Halka kaalinta kowaad iyo kaalinta labaad ayna waxaba iska badalin Spain iyo Germany ayaa ku sii jira kaalinta kowaad iyo labaad sida ay ukala horeeyaan.

Brazil-Fans

Brazil ayaa kaalinta saddexaad ka saartay xulka Portugal oo ku dhacay kaalinta afraad. Argentina ayaa laba boos kor u soo guurtay iyadoo gashay kaalinta 5 aad.


Italy ayaa ku sii nagaatay kaalinta 9 aad halka England ay dib ugu soo laabatay 10 ka u sareeya waxayna booska ka qaadeen Greece oo kaalinta 12 ku dhacay.


Palestine ayaa gaadhay halkii abid ugu saraysay iyadoo soo gashay kaalinta 71 aad iyadoo markii hore ku jirtay kaalinta 94 aad. France ayaa ku jirta kaalitna 17 aad halka Ukraine oo ay ku garaacday markii koobka aduunka loo soo baxayay ay ka sarays hal kaalin iyadoo ku jirta 16 aad. Algeria ayaa ah wadanka kaliya ee Africa ka socda ee ugu sareeya qiimaytan cusub waxayna ku jiraan kaalinta 22 aad, Cote d’Ivoire ayaa ku jirta kaalinta 23 halka ay Nigeria ku dhacday kaalinta 44 aad.


Marka la eego celcelis ahaan waxaa ugu xoog wayn Group D oo ay kuwada jiraan Italy, England,Uruguay iyo Costa Rica waxaana soo raaca Grpup G oo ay kuwada jiraan Germany, Portugal, Ghana iyo USA.


Qiimayntan ugu danbaysay ayaa lagu sameeyay 112 ‘A’ kulan oo heer caalami ah halkaas oo ay 67 kulamo saaxiibo ahi ka mid yihiin iyo 26 kulan oo markii koobka aduunka loo soo baxayay ah , 16 kulan oo koobka Asia ah iyo 3kulan oo la ciyaaray 30 May. Qiimaynta tan ku xixga waxaa la soo saaridoonaa July 17.


David Villa Oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha heerka caalami.


Xiddiga xulka qaranka Spain ee David Villa ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha heerka caalami, kaddib Koobka Adduunka Brazil 2014-ka.

32-sanno jirkan ayaa 95 kulan u saftay xulka qaranka dalkiisa Spain, waxaana uu xaqiijiyey inuu u dhaqaaqay kooxda MLS-ka Maraykanka ka ciyaarta ee New York City FC, Villa ayaana eegaya inuu diiradda saaro kaliya xirfaddiisa kooxeeda marka uu soo dhammaado Koobka Adduunka ee sannadkan lagu qabanayo Brazil "Ma jecli inaan dhoho, waxaan leeyahay nabad galyo, laakiin sida cad Koobkan Adduunka waxa uu noqon doonaa kii kulamadii ugu dambeeyey aan u ciyaaro Spain.” ayuu David Villa u sheegay Channel Cuatro.








Afkashacabka.com / Sports
Contact@afkashacabka.com