Wefti uu hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo kormeer ku tegey Waddada isku xidha Wajale iyo Kalabaydh

0
Tuesday February 18, 2014 - 08:07:48 in by Super Admin
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti uu hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo kormeer ku tegey Waddada isku xidha Wajale iyo Kalabaydh

    Waddada isku xidha Wajale iyo Kalabaydh ayaa iyadu ku dhow Dhammaad, taaso ka mid noqonaysa waddoyinka ay xukumaddani dalka hirgelisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddada isku xidha Wajale iyo Kalabaydh ayaa iyadu ku dhow Dhammaad, taaso ka mid noqonaysa waddoyinka ay xukumaddani dalka hirgelisay



Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Maareeyaha Wadooyinka Somaliland (RDA), Prof:XasanCali Cismaan, Xildhibaano ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gabiley ee Golaha wakiilada ka midka ah kana mid ahaayeen Xildhibaan IbraahimAxmed Haybe (kacaan), Xildhibaan CabdilaahiXuseen Cige (black), iyo maamulka gobolka Gabiley oo ay horka-cayaan Gudoomiyaha Gobolka Mudane Yuusuf Ibraahin Geedi (Yamaarug), Maayarka Degmada Gabiley Mudane ShucaybMaxamed Muuse, Xildhibaano ka mida Golaha deegaanka Gabiley iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley, Mudane Cabdiraxmaan Nuur Abokor, Ayaa maanta waxay kormeer ku soo galaabixiyeen Wadada beryahanba socotay ee kala baydh ilaa wajaale oo maanta la dhamaystiray 2KM oo ka mid ah halka 4 KM oo kalena loo diyaariyey in la shubo isla beriba iyada oo wadada la gaadhsiiyey Duleedka Wajaale oo la baro sidii balanku ahaa in-inta bishan ka dhiman lagu dhamaystiro lagana faraxasho oo laga jaro xadhiga hadii eebbe qadaro.


Waxaana halkaasi ka hadlay dhamaan masuuliyiinta aan kor ku soo xusan, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada Tog-wajaale oo muujiyey Dareenkooda sida uu sheegay Mustafe Sheekh oo ka mid dadweynaha deegaanka ku ah degmada wajaale isagana goosha Gobolada Berbera, Hargeysa, ilaa Wajaale isaga oo sheegay inuu ku dhashay wajaale una soo taagnaa wajaale iyo kala- baydh oo loo kala dhaxo 4 habeen balse nasiib wanaag uu habeenkii xalay ahaa ka soo baxay Berbera isla saacada geeska afrikana markay ahayd kowdii habeenimo uu ku soo hoyday gurigiisa oo ku yaala degmada wajaale taasi oo uu sheegay inay tahay horumarka laga gaadhay dhanka wadooyinka isaga oo mahadnaq balaadhana u soo jeediyey xukuumada gaar ahaana uu si gaara ugu mahadnaqay wasiirka wasaaradda madaxtooyada oo marwalba dultaagan kana war haya habsami u socodka wadooyinka dalka.


 

Waxa xusid mudan oo wasiirka madaxtooyada iyo Maareeyaha wadooyinku ay mahadnaq balaadhan u soo jeediyey shaqaalihii u dibjiray ee wakhtigooda iyo xoogoodaba geliyey qaar ka midina ay u dhaawacmeenba sidii wadadani ay ku hirgeli lahayd una noqon lahayd mid wakhtigii loogu talo galay ku dhamaata taasi oo ku tusaysa ayuu yidhi wasiirku in ay reer Somaliland iyo Muwaadiniintooduba ay ka go’an tahay in dalkani is wada gaadho. Waxaanu wasiirku caafimaad sareecana alle uga baryey muwaadinka ku dhaawacmay shaqada ka socota kala-baydh iyo wajaale.


Afkashacabka.com
Hargeysa /somaliland