Ilmaddu Waa Ii Wahel !W/Abdislan Mahdi Cirro

0
Monday September 19, 2016 - 16:09:09 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilmaddu Waa Ii Wahel !W/Abdislan Mahdi Cirro

    Ilmaddu Waa Ii Wahel ! Iskuulka ayuu u soo jari-jiray ceeshkana waa uu ka carrari jiray kolkuu dhawaaqoda maqlo . Anigu dareen yara daciifa ayaan ku odhan jiray ` iska jir haddad iskuulka aadi weydo cuntanna aad cuni weydo' , Aabihiina raadint

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilmaddu Waa Ii Wahel ! Iskuulka ayuu u soo jari-jiray ceeshkana waa uu ka carrari jiray kolkuu dhawaaqoda maqlo . Anigu dareen yara daciifa ayaan ku odhan jiray ` iska jir haddad iskuulka aadi weydo cuntanna aad cuni weydo' , Aabihiina raadinta quutal yoomka ayuu u kalihi jiray fiidkina usoo caraabi jiray waad iska garan waa ruux daalan un.

 Anigu hooyo ayaan ahay oo Aabo daalan iyo Wiil yaro dhalinyarnimo qaadday isku sheegi kari maayo se xaaladdaan ku jirno iyo isagu iskuma war hayaan. Maalin maalmaha kamida ayuu maqlay cod lagu aqoonsan jiray Xisbigaa abbaaro 8 subaxnimo weeye intuu kacay ayuu Jikadda igusoo dhaafay Quraac iska daaye Hooyo sidee tahay iilma istaagin waa curadkaygi oo madiya faataxan raaciyaa, Aqalka hortiisa anoo biyo ku seeydhaya waa isla maalintiiye ayaan arkay Gaadhi Seerafa oo xaafadda kusoo leexanaya mise Wiilkaygiyo dakhran baa la sidaa, waad dareemi karta hooyo naxday waxa ka suuroobi kara dagaal iyo ilin midna ku ciil bixi waaa, intaa cannanta Aabihi baa ii dheer. Goor ay tahay casarkii ayaan dirin yar u dhigay hadh xigeenka daashka garaafo caannana soo ag dhigay, jabaq yari ma jirto labaddayaduba aamusnaan ayaanu isku eegeyna cabaar kadib anoo madaxa ruxayaan is wareesanay. Hooyadii : yaa kugu dhuftay nabarkan ?
 wiilkii : waxaanu marayeni xaafaddaaso ciyaalkii dagnaa ayaa nasoo shiiday ? Hooyadii : oo maxay kugu ishaarteen ? Wiilkii : ee hooyo wax iska cuqdadeesan ayeey iska ahaayen Hooyo : wagar war cajuuskan aad maalin walba uu xiiqayso muxu ku siinaya waa yaabe miyu ku fashay ? Wiilkii : ee hooyo fal meesha ma yaale ficilba yaala, haddan isaga u codeen yaan siin laha codka. ! Ayaanta wiilkaygu nabarka ku dhacay muu dareensanen xitaa isma weydiin maxay kuu soo booqan waayen kuwii aad u xiiqday. !
 ? waan dareensana inay ka dhiganayaan sallaan ay ku koraan kursigay , inbaddan ayaan u caqli celiyey balse waxba waa iga qori waayay oo xagga Alle ayeey ka qorneed. Waa subax Laabina/Axada waa maalintii doorashadee igaarkaygu guriga waxa uu ka jarmaaday 4tii aroornimo anigu waan hurday oo sanqadhiisa ayaan ku kacay intaan bannanka usoo baxay ayaan arkay Aabihi oo la socda afkaygoo su`aali kasoo bixin ayeey igu yidhaahden waanu soo codeeynayna, waan yara nafisay jeertan arkay Aabihiyo wehlinaya laakiin waxan xaqiiqsanahay maanta dhibkan i haystaa inuu ahaa codkaa maalinta. filashadiisi iyo riyadiiso noqotay siduu rabay ayuu inankaygu maalmo u damaashadayi, runtii waxa uu ahaa fariid habeeenkii loo shaaciyay guushoodi cawayes cajiiba ayuu ilaa qatay ilaa maanta ma ilaawo waxa uu igu yidhi ( Hooyo ma xasuusata maalintan ku idhi wixii lays gashto ayaa laysku leeyahay anigu maanta waajibaadkaygi waan kasoo baxay kaliyata hadda waxan sugaya inan helo ballan qaadki ay noo sameeyen ) Ilaahay godka ha u nuuriye waxa uu ahaa nin ballanta iyo axdiga yaqaan se kuwii uu la galay ayaan noqon sidii uuna ka fileen. Xanuun baa ku dhacay waxa uu noqday nin firfircoonidii lagu yaqaanay aan lahyeen waxa uu arkay wixii uu doonayi oo la siinayo nin dibadda ka yimi oo aan usoo dhibtoon guusha ay gaadheen runtii xanuunkaasi niyadda ayuu ka asiibay, Guriga kamuu bixi jirin waxa uu ahaa ruux ciishooday cududdisina wiiqantay. dabyaaqaddi sanadkii 2014 ayaa waa cusub noo baryay mudo 20 cisho ku dhaw ayaanu baadi-doon ahayeen oo meel walba ka raadinay nasiib wanaag waxa uu markii danbe nagala soo hadlay liibiya kolkan codkiisa maqlaan qaboobay se xaaladdisan ka naxay, qayladda ka baxaysi afkiisa waxay ka baajisay inuu i yidhaahdo Hooyo iska waran waxa kaliyaa uu karayi waxay ahyeed isoo dira lacag. markuu taleefankii dhigay ayaan u carraray xaggaa iyo Aabihii anigoon is ogyeen ilmaduna i rusheesay ayaan ag fadhiistay Aabihii waanu i dareemay inay wax jiran miyaa la helay ayuu i su`aalay Dibnahaygoo gariiraya ayaan haa idhi laakin waxa jirta dhawr kun oo laga rabo ayaan u raaciyay. Daaraddaan ku jirnay ayaanu xaraashnay oo waa dani keento khasab ayeey nagu noqotay 4 caanamal kadibna lacagtaanu dirnay tii doontana waanu raacinay oo waanu soo amaahannay, dharaararuhu kala mudane habeenki u danbaysay uu hooyo i yaadhahdo ayeey ahyeed markuu ii sheegay inuu baxayo cawaa saqda-dhaxe anigu maan filanen marnba in la waayayo geeri iyo nolol mid baan Ducadda ku adkeenayi Maantaa Ilmadda ii wahela. 








 !W/Abdislan Mahdi Cirro