Antonio Conte Oo Qaar Ka Mid Ah Difaacyada Kooxdiisa Ka Diraya Stamford Bridge Kadib Guuldaradii Cuslayd Ee Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Arsenal

0
Monday September 26, 2016 - 09:32:55 in by Burco Office
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte Oo Qaar Ka Mid Ah Difaacyada Kooxdiisa Ka Diraya Stamford Bridge Kadib Guuldaradii Cuslayd Ee Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Arsenal

    Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa diyaar u ah in uu Stamfrod Bridge ka nadiifiyo difaacyada kooxdiisa ee qaab ciyaareedka liita soo bandhigay, waxaana difaacyada uu Conte u cadhaysan yahay ka mid ahBranislav Ivanovic ,Gary Cahill iyo Da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa diyaar u ah in uu Stamfrod Bridge ka nadiifiyo difaacyada kooxdiisa ee qaab ciyaareedka liita soo bandhigay, waxaana difaacyada uu Conte u cadhaysan yahay ka mid ahBranislav Ivanovic ,Gary Cahill iyo David Luiz oo ceeb kala soo laabtay kulankii Emirates Stadium ee ay Gunners 3:0 ku dubatay Blues.


Antonio Conte ayaa xaqiijistay in kooxdiisu ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay ku dhamaysan doonto kala badhka miiska kala saraynta Premier Leaque-ga haddii ay horumar samayn waayaan, wuxuuna diyaar u yahay in uu xoojin difaac u sameeyo kooxdiisa marka uu bisha January suuqu furmo iyada oo difaacyada hadda jooga ay xaaladu ku xumaan doonto.

Cahill's shocking mistake allowed Alexis Sanchez to score Arsenal's opener at The Emirates

Antonio Conte ayaa ka cadhaysan in kooxdiisa 12 gool lagaga dhaliyay afar kulan oo kaliya isla markaana ay guuldarooyin kala kulantay labadii kooxood ee waa waynaa ee ugu horeeyay ee ay xili ciyaareedkan la ciyaartay kuwas oo kala ah Liverpool iyo Arsenal.

Conte ayay dhaawac kaga maqan yihiinJohn Terry iyo dayarka Kurt Zouma laakiin waxaa sidoo kale halis ku jira booskaDavid Luiz oo dhawaan dib ugu soo laabtay Chelsea kaas oo muujiyay qaab ciyaareed aad u liita isla markaana ay cabsi badani ka muuqatay kulamadii uu ciyaaray.

Conte also addedMarcos Alonso to his defensive ranks but his team are still conceding goals

Conte ayaa suuqii xagaaga si wayn u doonayayLeonardo Bonucci oo Juventus uu kula soo shaqeeyay iyo Kalidou Koulibaly oo Napoli ka tirsan balse waxa uu ku guuldaraystay in uu helo labadan difaac ee muhiimka ah. Taas badalkeeda Conte ayaa maalintii ugu danbaysayParis Saint-Germain kala soo wareegay David Luiz halka sidoo kale ay Blues ay kooxdeeda ku soo xoojisay Marcos Alonso oo aan wali kooxda saamayn ku yeelan.

Conte was keen to sign Napoli's Kalidou Koulibaly but the clubs failed to agree a fee

Leonardo Bonucci (right) of Juventus was another defensive target for Chelsea in the summer

Conte ayaa sidoo kale maanka ku haya in John Terry uu ku jiro waqtiyadii ugu danbeeyay ee waayihiisa ciyaareed taas oo ku qasbaysa macalinka ree Italy in uu suuqa ka raadsado badalkii kabtanka kooxdiisa. Zouma ayaa wax badan ku soo kordhin kara safka difaac Blues laakiin dhaawicii halista ahaa ee xili ciyaareedkii hore soo gaadhay ayaa wali dhibaato ku haya.

 

Kurt Zouma and John Terry are defensive options available to Chelsea currently out injuredKurt Zouma and John Terry are defensive options available to Chelsea currently out injured

LIISKA DIFAACYADA UU CONTE HADDA KU HAYSTO CHESLEA:

chelsea1

Cesar Azpilicueta

Gary Cahill

Branislav Ivanovic

John Terry (Dhaawac)

David Luiz

Kurt Zouma(Dhaawac)

Ola Aina

Marcos Alonso