Dumarka Dalka Sucuudiga Oo Gudbiyey Codsi Ay Ku Dalbanayaan In La Joojiyo Sharciga Dumarka Wakiilka Laga Yahay

0
Tuesday September 27, 2016 - 09:41:24 in by Burco Office
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dumarka Dalka Sucuudiga Oo Gudbiyey Codsi Ay Ku Dalbanayaan In La Joojiyo Sharciga Dumarka Wakiilka Laga Yahay

    Codsi ay saxiixeen in ka badan 14,000 oo dumar Sacuudi ah oo ku baaqaya in la joojiyo sharciga ay dumarka u baahan yihiin inuu nin wakiil ka noqdo wax walba oo ay samaynayaan ayaa loo gudbiyay dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Codsi ay saxiixeen in ka badan 14,000 oo dumar Sacuudi ah oo ku baaqaya in la joojiyo sharciga ay dumarka u baahan yihiin inuu nin wakiil ka noqdo wax walba oo ay samaynayaan ayaa loo gudbiyay dowladda.

Ololihii ugu horeeyay ee wayn ee arintan lagu taageerayo ayaa ka bilaabmay internetka iyadoo laga sameeyay Twitter hashtag.Dumarka ayaa laga doonayaa inay ka haystaan fasax nin wakiil ka ah markay safrayaan, markay shaqo raadsanayaan ama ay wax baranayaan.

Aziza Al-Yousef, oo ka mid ah dumarka ololaynaya oo gudbisay codsiga ayaa BBC u sheegtay inay dareemayso farxad, laakiin hadda ay sugayaan jawaab.

Dumarka Sacuudiga ayaa ogolaasho uga baahan aabahood, walaalkood ama nin qaraabadooda ah marka ay dalbanayaan baasaboor, markii ay guursanayaan ama waddanka ka dhoofayaan.

 

Dumarka ragooda ka dhintay ayaa wiilkooda uu wakiil ka noqonayaa.

Meelo badan shaqada iyo jaamacadaha ayaa sidoo kale u baahan dumarka shaqaalaha iyo ardayda inay fasax ka qaataan nimanka wakiilka ka ah, inkastoo sharciga uusan u baahnayn.

Inay dumarka ijaartaan guri, inay isdaaweeyaan ama ay sharci wax ku codsanayaan ayaa sidoo kale u baahan fasax inuu dhiibo nin wakiil ka ah, mana jiro wax ka hortagaya haddii nimanka wakiilka ah ay xayiraan xuriyada dumarka.

 

 

 

Source:-BBCsomali