War Deg Deg Ah : Banaan Bax Goordhaw ka Bilowday Gaalkacyo Iyo Xiisad Dagaal O Halkaasi Ka Jirta

0
Wednesday September 28, 2016 - 15:08:41 in by Burco Office
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah : Banaan Bax Goordhaw ka Bilowday Gaalkacyo Iyo Xiisad Dagaal O Halkaasi Ka Jirta

    Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goordhaw banaan bax uu ka bilowday Koonfurta Magaaladaasi .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goordhaw banaan bax uu ka bilowday Koonfurta Magaaladaasi . Banaan baxa bilowday ayaa looga soo horjeedaa Duqeyn diyaarado dagaal la beegsadeen fariisimo ay ciidamada maamulka Galmudug ku lahaayeen duleedka Gaalkacyo, waxaana duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 10-askari oo katirsan Ciidanka Galmdug.

Shacabka dhigaya banaan baxa ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah dadkii ka dambeeyay duqeyntaasi lagu dilay askarta Galmudug katirsan sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal ay lahaayeen ciidakaasi.

Wararka aan ka heleyno Gaalkacyo ayaa sheegaya in Diyaardao dagaal ay duqeeyeen saldhiga Ciidamada Galmudug kadib markii si qaldan loogu sheegay in ay yihiin Al-Shabaab, waxaana sidoo kale halka duqyntu lala eegtay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Puntiand iyo kuwa Galmudug.

Saraakiil katirsan Ciidamada Puntiland ayaa sheegay in ay la dagaalameen dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab, waxa ayna tilmaameen in duqeynta dhacday lala eegtay shababakii ay la dagaalameen.


Xiisad ayaa laoo sheegaya ain ay ka jirto magaalada Gaalkacyo gaar ahaan aagaga hore ee fariisinka u ah labada ciidan , waxaa sidoo kale socda dadaalo lagu xalinayo xiisada taagan laguna ogaanayo waxa halkaasi ka dhacay.


Masuuliyiin katiran Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay ciidamadooda kusugan Duleedka magaalada lagu dilay in ka badan 10 askari sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaa ka badan.