Deg Deg;Howlwadeen ka tirsanaa shaqaalaha dowlada Somalia oo goor dhow lagu toogtay Muqdisho

0
Thursday September 29, 2016 - 18:17:41 in by salman abdi
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg;Howlwadeen ka tirsanaa shaqaalaha dowlada Somalia oo goor dhow lagu toogtay Muqdisho

    Muqdisho(AFKA);Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhow ku toogtay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir nin oday ahaa oo la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha dowlada Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhow ku toogtay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir nin oday ahaa oo la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha dowlada Somalia. Marxuum Maxamed Axmed Qoordheere ayaa la sheegay iney rasaas ooda kaga qaadeen rag bastoolado ku hubeysan xili galabta uu ka soo baxayey masjid ku yaalla degmada Waaberi oo uu ku soo tukaday salaadii casir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka la dilay uu ka tirsanaa howlwadeenada qeybta xisaabaadka ee wasaarada garsoorka ee dowlada Somalia.

Kooxihii dilka u geystay marxuumka ayaa deg deg uga baxsaday goobta, waxaana markii hore isagoo dhaawacyo halis ah qaba loola cararay Isbitaalka Daarul shifa halkaasoo uu daqiiqado ka dib ku naf baxay sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Shacabka degaanka oo garanayey ninkan ayaa isugu soo baxay xaafada, iyagoo ka argagaxsan dilka loo geystay marxuumka, waxaana goobta soo gaaray ciidamada dowlada.

Dilalka noocan ah ayaa Mudooyinkan ku soo badanayey degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, dhowaan ayeyna aheyd markii degmada lagu dilay fanaan ka tirsanaa kooxda Onkod, waxaana ka sii horeeyey haweeney shaqaale ka aheyd Hoyga taliyaha nabad sugida Qaranka iyo askar kale.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dilalkan ka jawaabaya ayaa dhowr jeer howlgalo xoogan oo dad badan lagu qabqabtay ka sameeyey degmada Waaberi, hase ahaatee dilalka ayaa u muuqda kuwo weli sii socda, waxaana inta badan dilalka noocan ah sheegta kooxda Al-shabaab.