Sacuudiga oo ka digay Saameynta xun uu keeni doono hadii lagu dacweeyo weerarkii 2001

0
Friday September 30, 2016 - 10:42:09 in by salman abdi
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo ka digay Saameynta xun uu keeni doono hadii lagu dacweeyo weerarkii 2001

    Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa baaq u dirtay aqalka Congress-ka Mareykanka , waxa ayna ka codsatay xubnaha aqalkaasi in aysan u ogolaan elehada dadkii ku dhintay weerarkii 11-kii September 2001-dii in ay qaadan tilaabo ay ku dacween karaan Sacuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa baaq u dirtay aqalka Congress-ka Mareykanka , waxa ayna ka codsatay xubnaha aqalkaasi in aysan u ogolaan elehada dadkii ku dhintay weerarkii 11-kii September 2001-dii in ay qaadan tilaabo ay ku dacween karaan Sacuudiga. Sacuudiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tilaabadii Congress-ka ku diiday codkii qayaxnaa ee Madaxweyne Brack Obama ku diiday sharciga fududeynaya arrintaasi ay meesha ka saareyso xasaanadda waddamda.

Waxa ay sheegtay Sacuudiga in tilaabadan iyada lagu dacweynayo ay yeelan doonto saameyn aad u xun oo dhinaca xariirka diblumaasiyada, waxa ayna uga digtay Mareykanka in ay ka mar kale ka fiirsadaan kiiskan.

Madaxweynaha Mareykanka oo kasoo horjeeday in Sacuudiga lagu dacweeyo Weerarkii ka dhacay Mareykanka 2001-dii ayaa sheegay in dacwadan ay halis galineyso Saraakiisha iyo Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala dalka dibadiisa.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Mareykanka in Saraakiishooda iyo ciidankooda Dibada kunool in ay iyana wajihi karaan in la dacweeyo laguna soo oogo dambiyo kala duwan.

Josh Earnest oo ah Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in xildhibaanada Congress-ka aysan fahmin cawaaqibka arrintan ka dhalan kara dacwada ka dhanka ah Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Geesta kale Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee Senate-ka Mitch McConnell ayaa dhankiisa sheegay in aan marnaba diirada la saarin dhibaatada ka dhalan karta dacwadan gaar ahaan dhinaca xariirka caalamiga.

Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii ka dhacay dalka Mareykanka September 11 -2001-dii ayaa doonaya in ay dacwad kusoo oogaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya si ay uga helaan magdhaw laga bixiyo dadkii laga dilay.