Maaraynta Waqtiga ( Qaybtii 2aad) DABEECADAHA WAQTIGA WQ- Sh. Cali Mahdi Ismaaciil

0
Wednesday October 05, 2016 - 22:45:46 in by salman abdi
  • Visits: 1935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maaraynta Waqtiga ( Qaybtii 2aad) DABEECADAHA WAQTIGA WQ- Sh. Cali Mahdi Ismaaciil

    Wax kastaaba waxay leeyihii dabeeda u gaar ah waqtiguna waxaa uu leeyahay dabeecado u gaar ah ,hadaad fahantid dabeecadaha waqtiga waxaa laga yaabaa in aad gaadhid guul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax kastaaba waxay leeyihii dabeeda u gaar ah waqtiguna waxaa uu leeyahay dabeecado u gaar ah ,hadaad fahantid dabeecadaha waqtiga waxaa laga yaabaa in aad gaadhid guul

 ama ay kuu fududaato sida aad waqtiga ula tacaamulilahayd ,hadaba halkan waxaan ku bidhaaminayaa qaar ka mid ah dabeecadaha waqtiga ee la doonaayo in aynu fahno .
1. Waqtigu waa ka qaalisan yahay shay kasta .
2. Waqtigu waa shay xadidan ,waxa uu leeyahay bilaw iyo dhamaad qofwalba wuxuu haystaa 24 saacdood ama 1440 daqiiqo ama 86400 ilbidhiqsi.
3 .Waqtiga laysuma bedelikaro oo qofna qofka kale uma bedelikaro ,Shay kalena laguma bedeli karo ,maalitii ku dhaaftay cid kuu bedelikartaa ma jirto
آلا ليت الشباب يعود يومًا
فأخبره بما فعل المشــــيب

 

4.Waqtigu Waa Deg Deg Badan Yahaya
QAYBAHA WAQTIGA
Waqtigu waxaa uu u qaybsamaa sadex qaybood ,sadexdaa qaybood ayuu ku wareegayaa cimriga qofkuna :
1. Shalay: Waa maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn waxii ay guul iyo khasaareba lahayd way la tagtay, mana soo ceshan kartid.

Soomaalidu Waxay Ku Maahmaahdaa (Wixii Tegay Tiigsimaaad Male )
Waxaase Muhiim Ah In Aad Garatid Wixii Ku seegay Shalay ,Taasi Waxay Daawo Ka Noqon kartaa In Aad Ka Dadaashid In Aanay Marxaladan Oo Kale Kugu Soo Noqon

2. Maanta: Waa maalinta ugu qaalisan cimrigaaga waana raasammaalka ugu weyn ee aad haysato. Waa maalinta ugu qaaalisan noloshaada qiimaha noloshaada oo dhamina waxay ku xidhan yihiin saacadaha yar ee ku jira noloshaada, qiimaheeduna waxa ay noqonaysaa sida aad hadba ugu faa’iidaysato oo keliya waayo manta markaad ka faa’iidaysato berrina waad ka faaidaysankartaa iyo cimrigaaga oo dhanba laakiin se hadaad maanta lumiso beritana waad lumin sidaasaanad ku lumisay noloshaadii oo dhan waxaa la yidhi (qofka waxa jooga aan garani waxa soo socda ma garto).

ويعود الرسول ﷺ يدق لنا ناقوس الخطر: «لَيْسَ مِنْ يَوْمٍ يَأْتِي عَلَى ابْنِ آدَمَ إِلَّا يُنَادَى فِيهِ: يَا ابْنَ آدَمَ أَنَا خَلْقٌ جَدِيدٌ، وَأَنَا فِيمَا تَعْمَلُ عَلَيْكَ غَدًا شَهِيدٌ؛ فَاعْمَلْ فِيَّ خَيْرًا أَشْهَدْ لَكَ بِهِ غَدًا، فَإِنِّي لَوْ قَدْ مَضَيْتُ لَمْ تَرَنِي أَبَدًا. قَالَ: وَيَقُولُ اللَّيْلُ مِثْلَ ذَلِكَ».[ أخرجه أبو نعيم في «حلية الأولياء»،وقال:غريب
3. Berri: Berriyeey maxaa tahay? waa maalin maqan mana garan kartid waxa ay kuu sido waxay noqon inaad gaadhi iyo in kale alle (SWT) ayaa keligii og berri iyo waaayaheeda mana aha inaad ku xisaabtanto waxanad garanayn wax ay noqon (haddaad waa bariisato ha sugin in aad galabaysato hadii aad galabaysatana ha sugin in aad waa bariisato)
{وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَلِكَ غَدًا (سورة الكهف)


W/Q: CALI MAHDI ISMACIIL