Nacaybaa Jacayl Laga dhaxlaa Qaybtii3aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

0
Thursday October 13, 2016 - 17:03:35 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga dhaxlaa Qaybtii3aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

    Muumin ma uu sii raacraacin hadalkii qaali ay kutiri ee markii uu musqusha kasoo baxay waxa uu si toosa u abaaray qolkiisii oo sidaynu hore usoo sheegnay ka go,naa qolalka kale ee guriga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muumin ma uu sii raacraacin hadalkii qaali ay kutiri ee markii uu musqusha kasoo baxay waxa uu si toosa u abaaray qolkiisii oo sidaynu hore usoo sheegnay ka go,naa qolalka kale ee guriga.



 muumin waxa uu halkii kunoolaa mudo badan oo runtii noloshiisa aad ugu fiicnayd marka laga reebo dhibaatooyin farabadan oo qaali kula kacaysay iyo suaalo farabadan oo bulshada kaga imanaayay iyo waliba hadalo xun xun oo ay qaali hablaha asxaabteeda ah uga sheegi jirtay marka ay waydiiyaan cida uu yahay wiilkani.

 

Muumin waxaa halkaas ugu bilaabantay nolol cusub  isla markaana ka duwan noloshiisii hore ee murugada ahayd, muumin sidookale waxaa si toosa u iftiintay quruxdiisii waxaana uu lasoo baxay firfircooni iyo akhlaaq aad u wanaagsan oo uu ku hantay asxaab farabadan, waxa uuna si toosa uga dhex muuqday xaafadii ay ku noolaayeen, waxayna intabadan bulshada ku dhaqan xaafadu is waydiinayeen sida uu wiilkan akhlaaqda iyo quruxda badani ugusoo biiray xaafadooda.

 

Muumin waxa uu bulshada dhexdeeda ka noqday saaxiib aad u wanaagsan waxaaana saaxiibadiis ka mid noqotay siraad oo ahyd inan aad uwanaagsan dabeecad hufan isla markaana ay isku galaas ahaayeen qaali, muumin iyo siraad waxa ay noqdeen laba qof oo aad isugu dheer, wakhtigiisa inta badana waxa ay wada qaadanjireen siraad, qaali oo ahayd inan aad u neceb muumin aad ayay uga xumaatay markii ay ogaatay arinta dhexmaraysay muumin iyo inanta ay isku galaaska yihiiin ee siraaad, mararbadana waxay qaali siraad usheegtay in aaanu uqalmin wiilkan  ay la saaxiibtay oo ay ceeb iyo sumcad daro kutahay inay la saaxiibto wiil ka leefal hooseeya isla markaana ay iska joojiso saaxiibtinimadiisa, Hasa yeeshee siraad dhagna jalaq uma siin hadaladii ay qali usheegtay oo waxa ay ku taagnayd odhaahdii ahayd waxay ilko gooyaan buu hunguri liqaa.

 

Maalin maalmaha kamida ayaa waxaa dhacday in muumin uu siraad usii dhaweeyo xaafadooda oo in cabaara ka horaysay xaafada uu muumin ka tirsan yahay, markii lasoo gaadhay xaafadii siraadyo ee laakin aaan wali lakala dhaqaaqin ayaa waxaa si kadisa wado dhinica bidix kaga beegnayd mudh kaga soo yidhi qaali iyo laba hablood oo ay saaxiibo yihiin, muumin oo aan jeclayn la kulanka iyo  lahadalka qaali ayaa markii uu arkayba  foorarsaday isaga oo ay waliba wajigiisa ka muuqato cabsi fara badani, qaali oo ahayd inan aad u kibir badan ayaa markii ay aragtayba waxa ay bilowday inay hadalo ku tuurtuurto iyada oo qoslaysa isla markaana ay qosolka ujiibinayaan labada hablood ee kale ee lasocday iyada, qaali oo qoslaysa ayaa tiri siraad sxb inan hanwayn baan waligay kuu haystee ma sidaas ayaa kuu danbaysay miyaanad wajiga lahayn bal noocaad la taagan tahay eeg , siraad inta ay hadlkii qaali aad uga xanaaqday ayaa ay iska dhaqaaqday iyada oo aan wax jawaab ah celin, qaali ayaa hadana hadalkii kusoo noqotay  ayada oo lahadlaysa muumin waxayna ku tiri, ma adiga oo og waxa aad tahay, ayaad hablaha dadka sharafta lihi dhaleen  dariiqyada la istaagaysaa?  Muumin oo indhihiisu dhulka eegayaan ayaa isna iska dhaqaaqay isaga oo aan wax jawaab ah celin, qaali iyo labadii hablood ee lasocdayna inta ay qosolkii isku dareen ayaa ay isaga dhaqaaqeen xagii ay ku socdeen.

 

Muumin waxa uu tagay xaafadii waxa uuna sitoosa u abaaray qolkiisii isaga oo aad umurugaysan isla markaana is waydiinaya maxay inantani sidaas oo dhan kuugu xumaynaysaa, muumin waxa uu bilaabay in uu is ilawsiiyo wixii ay qaali kusoo samaysay si murugtu ay uga kala yaraato, markii qaali ay xaafadii timi ayaa hadana waxa ay damacday inay markale kusoo ciyaarto muumin oo ay qolkiisa ugu tagto iyada oo ugu marmar siyoonaysa inay kasoo qaado weelkii uu ku qadeeyay, markii ay soo gaadhay qolkii muumin waxa ay ka dalbatay inay soo gasho qolka si ay weelka uga qaado, muumin lama uu hadal ee inta uu weelkii soo qaaday ayaa uu ku yidhi hoo wll waa kuwane, qaali waxa ay aad ufiirisay wajigii muumin oo markaa cadho farabadani ka muuqatay, waxayna si cayaara ugu tiri iga raali noqo wll hadeer  waan kula ciyaarayay, muumin waxa uu ugu jawaabay waa iska caadi walaal waxaa iyo wax kabadaniba waa ay iska dhacaan, siraad ayaa hadana iyadoo qoslaysa ku tiri mayla saaxiibaysaa anigana? Muumin aad ayaa uu uga xumaaday waxa uuna ku yiri sidaad uhadlaysaa wll ma adiga oo ag cidaan ahay ayaad ila saaxiibaysaa,……….lasoco qaybta 4aad

 

 

 

Nacaybaa Jacayl Lagadhaxlaa Qaybtii3aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

Gmail: Maxamedqani122@gmail.com

Facebook: Maxamed Andar