WARBIXIN: Kooxihii Uu Saamaynta Ku Yeeshay Isbadalkii Champions Leaque-ga Lagu Sameeyay Oo Ka Wada Xaajoonaya In Ay Samaystaan Horyaal Kale Oo Yurub Ah

0
Friday October 14, 2016 - 06:10:53 in by Burco Office
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Kooxihii Uu Saamaynta Ku Yeeshay Isbadalkii Champions Leaque-ga Lagu Sameeyay Oo Ka Wada Xaajoonaya In Ay Samaystaan Horyaal Kale Oo Yurub Ah

    Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa la dhibtoonaysa dagaalo dhinacyo badan kaga furan, waxayna dhawaan kooxaha waa wayn ee Yurub ay ku raali galisay go'aan muran dhalyay oo ah in kooxaha waa wayn ee Yurub ayna wax isreeb reeb ah u soo ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa la dhibtoonaysa dagaalo dhinacyo badan kaga furan, waxayna dhawaan kooxaha waa wayn ee Yurub ay ku raali galisay go'aan muran dhalyay oo ah in kooxaha waa wayn ee Yurub ayna wax isreeb reeb ah u soo gali doonin heerka Groupyada Champions

 Leaque-ga balse waxay taasi keentay in kooxaha yar yar ee Yurub ay cadaalad daro ka tirsanaad UEFA waxayna bilaabeen qorshihii ay ku aarsan lahaayeen.

UEFA ayaa ansixisay in kooxaha horyalaada waa wayn ee Yurub sida England, Spain iyo wadamada la midka ahi in kooxaha kaalinta afraad galaan ayna wax isreeb reeb ah soo galin. Tusaale ahaan kooxaha kaalimaha afraad kaga dhamaysta Premier Leaque-ga iyo La Ligaha ayaa hore isreeb reebka u soo gali jiray balse taasi hadda waa laga gudbi doonaa.

Haddaba wadamo ay ku jiraan Denmark, Scotland iyo Netherlands ayaa bilaabay olole ay kaga wada xaajoonayaan in ay abuurtaan horyaal kale oo Yurub ah kaas oo kaga jawaabayaan sharciga cusub ee Champions Leaque-ga ee dhinaca kooxaha waa wayn loogu eexday.

Insha Allah marka la gaadho sanadka 2018 waxaa qorshaysan in dhamaan kooxaha waa wayn ee Yurub ayna wax isreeb reeb ah u soo gali doonin Champions Leaque-ga, laakiin wadamada ayna horyaaladoodu ku jirin kooxaha waa wayn ayaa cadaalad daro u arka.

Image result for champions league

Afarta horyaal ee ugu waa wayn Yurub ayaa la qorsheeyay in afarta kooxood ee ugu sareeyaa ay si toos ah ugu soo gudbi doonaan heerka groupyada Champions Leaque-ga ee 32 ka kooxood. KooxdaFC Copennhagen oo hadda hogaanka u haysa horyaalka Denmark ayaa si rasmi ah wakaalada Reuters khamiistii ugu xaqiijisay in ay jiraan wada xaajood lagu aas aasayo horyaal kale oo Yurub ah.


 

Agaasimaha maalmulka kooxda FC Copennhagen eeAnders Horsholt oo la hadlay wargayska BT ayaa yidhi: "Haa, waa sax. Haddii aanan hadda ka jawaabin, waxaynu arki doonaa kooxaha waa wayn oo koray isla markaana sii xoogaystay halka kooxahayga oo kale ay ku sii xaaladu adkaan doontoā€¯.

Image result for Anders Horsholt

 

Warka kale ee xiisaha badan ee uu agaasimaha maaulka kooxda FC Copennhagen uu sheegay ayaa ah in kooxaha horyaalka cusub ku midoobi doonaa ay iskaga bixi doonaan horyaalada wadamada ay ka dhisan yihiin si ay awooda u saaraan horyaalka cusub ee Yurub ka aas aasi doonaan.

Image result for champions league

Wargayska BT ayaa sheegay in wamada qorshan hogaaminaya ay ku jiraanDenmark, Sweden, Norway, the Netherlands, Belgium iyo Scotland , waana wamada ay saamaynta ugu wayn ku leeyahay sharciga UEFA ay dhawaan ansixay ee lagu badalay qabakii Champions Leaque-ga loogu soo baxayay.

FL ay ka soo hojeedsadeen sharciga UEFA waxayna sheegeen in aan sharcigaas lagala tashin isla markaana ay qaadici doonaan. Dhinaca kale kooxaha waa wayn ee Yurub ayaan wali ka quusan in ay samaytaan European Super Leaque halka sidoo kale uu jiro qorshe lagu hindisayo World Super Leaque.