Heerka Uu Gaadho Musuq Maasuqa Waqtiyada lagu jiro olalaha doorashada & mas'uuliyinta ku dhiiran W/Q Maxamed Cismaan

0
Tuesday October 18, 2016 - 11:29:41 in by Burco Office
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heerka Uu Gaadho Musuq Maasuqa Waqtiyada lagu jiro olalaha doorashada & mas'uuliyinta ku dhiiran W/Q Maxamed Cismaan

    Sida inta badan bulshada jamhuuriyada somaliland u dhagtagayaan waxaa inagu soo food leh waqtigii loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada madaxtooyada jamhuuriyada somaliland, Hadaba waxaa jira sedex xisbi qaran oo laba kamid ahi aan awoodooda la dhaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida inta badan bulshada jamhuuriyada somaliland u dhagtagayaan waxaa inagu soo food leh waqtigii loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada madaxtooyada jamhuuriyada somaliland, Hadaba waxaa jira sedex xisbi qaran oo laba kamid ahi aan awoodooda la dhayalsan karayn kuwaasoo kala ah  xisbiga kulmiye oo haatan talada dalka gacanta ku haya iyo xisbiga wadani oo mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa kasbashada siyaasiyin somaliland iyo caalamkaba sumcad ku leh. Dulucda hadalkaygu waxuu yahay kororka musuq maasuq ee ku yimaada waqtiyada olalaha kaanbaynka waxaana sababa kala jiitin tageero laguna kharash gareeynayo dhaqaale xoogan. Wararka soo gaadhaya madaxwaynaha mustqabalka waxay sheegayaan in maalmihii u danbeeyay ay mas’uuliyin ka tirsan xukuumada ku hawlanayeen kala ilaalinta shicibka iyo mucaaradka,

 iyagoo adeegsanayay canshuurtii loo baahnaa in bulshada baahiyaheeda wax looga qabto. xogaha qaar waxay sheegayaan in musuq maasuqii la casri gareeyay qaabkii tooska ahaa ee dhaqaalaha loo bixin jiray loo rogay qaab dadban kuna salaysan saxiix musuq maasuq oo ah mas’uul hebel markii uu xilka wareejinayay waxuu wareejiyay dayn intaa la eg oo aan lagaranayn waxa ay tahay dayntaa faraha badan ee uu wareejiyay ama wasiir hebel bishii u danbeysay

 waxuu isticmaalay kharashka ka badan intii loogu talagalay isagoona sheegay in dayntaa la leeyahay ganacsatadii laga sii qadayna ku qancinayo in meel uun laga bixin doono lacagta ay wasaarada ku leeyihin, ganacsataasna ay ku leeyihin wasaarada lacagtaas hadii mas’uulka la badalo iyo hadii la eryo ay u daba fadhiisanayaan wasiirka yimaado, ka yimaadana uu isagana halkiisii kasii wadayo. Waxaa kaloo dhacda in mas’uulkaa xilka haya bulshada uu kasoo jeedo aysan ku qanacsanayn mas’uulkaa xisbiga uu ka tirsan yahay,

 qab qablayaasha reerka uu kasoo jeedana ay mar walba ugu hanjabaan haduusan waxa ay u baahan yihin u qaban ay reerka tageridooda siinayaan mucaaradka waxaana mas’uulkaasi ku qasban yahay inuu kasbado qab qablayaasha reerka, siiyana waxa ay u baahan yihin, waxuuna isticmalayaa mas’uulkaas awoodiisa saxiix isagoo marinaya ganacsadaha u xiriirka lala leeyahay aduunka uu ugu tala galay inuu qab qablayaasha ku haysto. 

Waxaana mas’uuliyinta qaar intaa u dheer inay raadiyaan siyaasi ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo ay siyaan dhaqaale kuna shegaan siyaaasi kasoo diga rogtay mucaaradka, siyaasigasoo ah mid lasoo iibsaday qadiyadiisana ay tahay maalinba kii aduun haya ee ii ibsado ayaan xaflada la galayaa. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa mas’uuliyinta

 xilalka haya inay ka waantoobaan musuq maasuqa iyo ku takri falka hantida umada, ogadaana in aduunkan uu yahay maalmo xisaab aakhirana ina sugayso. Umadana waxaan ushegayaa hadii aad maqli jirteen beri ayuu madaxwaynaha dalka hay’addo ka hortaga musuq maasuqa iyo kuwa la xisaabtama hay’addaha sameeyay dalka maanta halkuu marayo waad arkaysaan.