Jose Mourinho Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababtii Uusan Henrikh Mkhitaryan Ugu Soo Darsanin Kooxdii Man United Ee Wajahday Fenerbahce

0
Friday October 21, 2016 - 09:42:46 in by salman abdi
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababtii Uusan Henrikh Mkhitaryan Ugu Soo Darsanin Kooxdii Man United Ee Wajahday Fenerbahce

    Henrikh Mkhitaryan ayaa mar kale laga saaray kooxda Manchester United iyadoo Red Devils ay garoonkeeda Old Trafford ku garaacday Fenerbahce.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Henrikh Mkhitaryan ayaa mar kale laga saaray kooxda Manchester United iyadoo Red Devils ay garoonkeeda Old Trafford ku garaacday Fenerbahce.
Jose Mourinho ayaa dhowr bedel ku sameeyay shaxdiisii uu kala hortagay Liverpool habeenkii isniinta laakiin marnaba ma uusan ku soo darsanin kooxdiisa xiddiga reer Armenia.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaawac bowdada ah ku seegay dhowr kulan laakiin waxa uu tababar ku soo laabtay dhowr isbuuc ka hor.


Mourinho ayaa qiray in Mkhitaryan uu diyaar u ahaa inuu ciyaaro labadii kulan ee Liverpool iyo Fenerbahce.

Isagoo la hadlayay saxaafada ka hor kulankii United ee xalayto, Mourinho ayaa yiri:

"Waa mid in taam aad tahay oo uusan dhaawac jirin, waa mid kale inaad taam u tahay inaad ciyaarto, inaad leedahay awood aad ku ciyaari karto, diyaarna aad u tahay inaad kulankaan dheesho.” ayuu Mourinho u sheegay BT Sport.

"Waxaan ciyaarsiiyay Lingard iyo Martial, waxaa keydka fadhiyay Rashford iyo Memphis Depay, ma ciyaarsiin karo cid walba waqti isku mid ah.

"Micky (Mkhitaryan) ma uuusan ciyaarin muddo dheer, ciyaartoydaan aan soo xushay waa kuwa fiican oo awood fiican leh.”