Muqdisho:Xasan Sheekh Oo Weedho Qadaf Ku Ah Qaddiyadda Somaliland Kaga Tiraabay Shirweyne Maamul-Goboleed Lagu Dhisayey -

0
Sunday October 23, 2016 - 13:09:48 in by salman abdi
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Xasan Sheekh Oo Weedho Qadaf Ku Ah Qaddiyadda Somaliland Kaga Tiraabay Shirweyne Maamul-Goboleed Lagu Dhisayey -

    Madaxweynaha dawladda Fededal-ka Somaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale ka hadlay xidhiidhka mustaqbal ee ka dhexeeya Somaliland iyo maamulka uu madaxda ka yahay, waxana uu si cad u sheegay inay ka go'an tahay sidii loo heli lahaa midn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dawladda Fededal-ka Somaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale ka hadlay xidhiidhka mustaqbal ee ka dhexeeya Somaliland iyo maamulka uu madaxda ka yahay, waxana uu si cad u sheegay inay ka go'an tahay sidii loo heli lahaa midnimadii wakhtigeedu dhacay ee Somaliland iyo Somaliya.


Xasan Sheekh oo ka hadlayey madal lagu caleemo saarayey madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle, ayaa isaga oo ka hadlaya maamul-goboleedyada Somaliya waxa uu khudbadiisa kusoo daray inay hindisaha ugu jirta sidii Somaliland loogu soo dari lahaa maamul-goboleedyada,"maamul-goboleedkani waa maamulkii shanaad oo waa mid muhiim ah, gobollada waqooyi ayaa noo dhiman iyo magaalada muqdisho oo aan meeqaamkeeda caddayno, ayaa inoo dhiman.” Ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata, ayaa shaaciyey in Somaliland kamid tahay gobolladii 18-ka ahaa ee Somaliya ka koobnaan jirtey, isla-markaana dawladda uu masuulka ka yahay ay wada-hadal kula jirto Somaliland, waxana uu yidhi,"gobolada waqooyiga Somalia ku yaalla waa walaalaheen, waa gobollo dalka Somalia kamid ah 18-ka gobol ee Jamhuuriyadda Somalia ka kooban tahay kamid ah, dabcan duruufo gaar ah iyo tabasho gaar ah oo ay qabaan way jirtaa, wada-hadallaa socda dawladda Somaliya ay ku raadinayso walaalaha gobolladaas deggen in waxa ay tabanayaan laga daaweeyo oo laga qanciyo si aan markale ugu naalloono haybadda, sharafta iyo xoogga midnimadu leedahay.”

Waxa uu sheegay inuu qirayo in Somaliland dhibaato badani ku dhacday, balse ay diyaar la yihiin inay ka dhaahiyaan dhaawaca loo geystay,"Waa run oo waanu qiraynaa in gobolladaas ay dhibaato ka dhacday oo magaca dawladnimada Somaliyana ay dhibaatadaasi ku gaadhay, somalida oo dhanna dibaaatadaasi way gaadhay, laakiin waa loosii kala darnaa, dhibaatadaasina sida ay u taabatay dadka soomaaliyeed ee deggen magaalooyinka ku yaallaana way ka duwan sida ay u taabatay qaybo badan oo dalka Somalia kamid ah.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh waxa uu hoosta ka xarriiqay in midnimada Soomaaliyeed tahay mabda’a ugu weyn ee uu aaminsan yahay, balse uu garawshiiyo iyo isqancin ku raadinayo, waxana uu yidhi,"mar walba mabda’a aaanu aaminsanahay oo ah shalay yaanay noo lugo xidhin inaanu berry hadana gefno, mdinimaanu rabnaa oo dalku inuu midoobaanu rabnaa walaalahaasna inaanu qancino oo aanu garawshiiyo uu muujino oo dabadeedna midownaanu rabnaa.” Hadalka kasoo yeedhay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhaawac ku ah qaddiyada Somaliland, waxana xusid mudan in baahi loo qabo sidii dib loogu eegi lahaa wada-hadallada madhayska ah ee xukuumaddu kula jirto maamulka uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.