Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 5aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

0
Sunday October 23, 2016 - 14:38:32 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa (Qaybtii 5aad) W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Maxamed Andar)

    Qaaali oo qadadii sida ayaa usoo gashay muumin oo markaa hurdo udiyaar garoobayay, waxayna usheegtay in ay qadadii usoo qaaday, muumin inta uu qoslay ayaa uu kuyiri waad mahadsantahay walashay nuur ayaa ii keenay oo waakaa weelkii qadada aan ka cunay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaaali oo qadadii sida ayaa usoo gashay muumin oo markaa hurdo udiyaar garoobayay, waxayna usheegtay in ay qadadii usoo qaaday, muumin inta uu qoslay ayaa uu kuyiri waad mahadsantahay walashay nuur ayaa ii keenay oo waakaa weelkii qadada aan ka cunay halkaa yaala.


qaali aad ayay uga naxday hadalkaa waxayna si degdega uga soo baxday qolkii muumin iyada oo aad u qalbi jabsan waxayna si degdega ugashay qolkeedii iyada oo nafteeda canaananaysa isla markaana odhanaysa waamaxay nasiib daradan ilasoo daristay waxayna iskaga dulseexatay sariir teedii iyada oo indhaheedu ilmaynayaan, qaali hada waxa ay wehel la noqotay murugada cunto ka daadagi mayso  waxaaba ku taagan weedhihii muumin waxaana mar walba hor imanaaaya xumaantii faraha badnayd ee ay ugaysan jirtay muumin iyo waliba hadaladii naxariista lahaa ee uu kula hadli jiray marka ay caayayso qaali oo nafteeda lahadlaysa ayaa tiri waxaad tahay runtii qof bili aadana oo aad usamir badan mana garanaayo si aan kuu raali galiyo nolashayna ma aan arag noole kula mida ,waxaan kuu gaystay xumaan farabadan misana hadal kulul xataa marna imaad odhan.

 

Qaali waxay nafteeda la sheekaysataba waxa isku qancisay in ay toos u abaarto muumin si ay raali galin uga dalbato, hadana waxa ay ka baqday in ay kaligeed u tagto, laakin ugu danbayntii waxay nafeeda ku qasabtay inay toos ugu tagto oo ay soo waydiiso fargal Kii ay albaabka hoos dhigtay, markii ay utimi muumin waxa ay ku tiri waa lagu salaamay muumin iyada oo si naxariisle ula hadlaysa, waa lagaa qaaday ayaa uu ugu jawaabay muumin, qaali oo xishood farabadani ka muuqdo ayaa tiri walaal shalay markaynu wada hadlaynay fargal halkan miyuu igaga dhacay? muumin ayaa yiri waxba kumaan arag walaal, qaali ayaa hadana tiri walaal waxaan doonayaa inaan suaal ku waydiiyo? muumin saad u hadlaysaa iwaydii walaal, qaali ayaa tiri waxaa jirtay marar badan oo aan ku af lagaadeeyay ku caayay xataa waxaa jirtay marar badan oo aan hadalo aad u xun xun bulshada dhexdeeda kaaga idhi misana adigu waxba imaad odhan xataa hadal kulul imaad odhan waamaxay sababta aad sidaas oo dhan usamaysay?               Muumin ayaa ugu jawaabay waa runtaa xuman badan wad ii gaysatay waanaan dareemayaa xanuunka ay leeyihiin hadana waan isaga dul qaadanayay waayo halkan aan joogo hadii aanu aabahaa sababteeda lahayn noloshaydu sidan ma aanay noqoteen xumaanta aad ii gaysatana waxaa iga maydhaysay wanaaga uu aabahaa ii sameeyay adigana waxaan kaasoo qaadayay walaashay oo qaldantay.

 

qaali aad ayay u ilmaysay iyada oo hortaagan muumin, waxayna ka dalbatay in uu saamaxo , muumina waxa uu usheegay in uu saamaxay oo aanu wax xumaana uhaynin,  qaali oo dareenkeedu aad u kac sanyahay indhaheeduna ilmaynayaan ayaa iska dhaqaaqday waxayna iska aaday qolkeedii, runtii qaali waxaa ku dhashay dareen cabsi ah, isla markaana ay ka qooma maynayso kibirkii foosha xumaa ee ay u gaysan jirtay bulshada  khaas ahaan kay u gaysatay mumin, waxayna hada garwaaqsatay in bili aadanku fiqiir iyo taajirba siman yahay isla markaana aanay isku naxariis iyo isku fikir toona ahayn.

 

Waxaanay garatay muumin in uu yahay  wiil dul qaad leh, Samir badan, oo aad u dabeecad wanaagsan, waxayna niyada iska waydisay suaalo fara badan oo ay ka mid yihiin hadii ay tani aniga igu dhici lahayd waxayna is dareen siisay xanuunka ay leedahay hadii iyada xumaantan oo kale loo gaysan lahaa  iyo waliba wiilkaasi sida uu ugu samray, hada niyada qaali waxa kaliya ee kusoo noq noqonaya ayaa ah hadaladii naxariista lahaa ee muumin, waxayna jeclaysatay in ay la kulanto muumin si ay uga barato dulqaadka iyo wanaagu waxa uu yahay.

 

Qaali waxa ay lasoo baxday waji cusub oo murugo ah isla markaana waxa kaliya ee nafteeda farxad galinayaa uu yahay la hadalka muumin, muumin marna niyadiisa ma galin in uu wax jacayl ah sameeyo waayo bulshada  xaafada deganayd waxa ay u badnaayeen dad tijaar ah, gabdhaha filkiisa ahina waxa ay dhamaantood saaxiib la ahaayeen qaali oo markaa aanu muumi jeclayn, qofka kaliya ee ay muumin saaxiibada yihiina ay tahay siraad, waxaa dhacday subax khamiis ahaa oo aanay qaali iskuulka tagin in ay qolka ugu timaado muumin si ay wax uga ogaato arimihiisa la xidhiidha jacaylka, markii ay qolka ugu timi ee salaan lays dhaafsaday waxa ay qaali bilawday ina ay hadalo kaftan ah ku tuurtuurto iyada oo odhanaysa ,………lasoco qaybta 6aad

 

 

 

Nacaybaa jacayl laga dhaxlaa qaybtii 5aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

Gmail: Maxamedqani122@gamail.com

Facebook: Maxamed Andar