Qaraxyo Tiro badan oo is xig xigay Oo Xalay Saqdii Dhexe Ka Dhacay Gudaha Dalka Kenya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

0
Tuesday October 25, 2016 - 09:47:00 in by salman abdi
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Tiro badan oo is xig xigay Oo Xalay Saqdii Dhexe Ka Dhacay Gudaha Dalka Kenya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

    Rag hubeysan ayaa xalay magaalada Mandera ee woqooyi bari Kenya ku qaaday weerar, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa xalay magaalada Mandera ee woqooyi bari Kenya ku qaaday weerar, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.


_92076952_a38c75af-762c-4125-a016-b8ee9ef36a8a

Dableydan weerarka geysatay ayaa bartilmaameed ka dhigatay guri ay deggan yihiin dad aan Soomaali ahayn oo ka soo jeeda gobolada kale ee isla dalka Kenya.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka magaaladda, si halkaasi loogu soo daweeyo.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa saaka magaaladda ka billaabay howgallo, waxaana gebi ahaanba xiran goobaha ganacsida.

Weriye magaaladaasi ka hawlgala ayaa BBC-da u sheegay in xitaa masaajidda ku yaala bartamaha magaalada aanan saaka lagu tukan salaadda subax.

Lama hubo cidda weerarkan ka dambaysay, balse booliska Kenya ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-Shabaab.

Mudo sanado ah magaalada Mandera iyo duleedkeedaba waxaa ka dhacayay weerarro ay Al-shabaab geysanyeen.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay weerarada Al-shabaab ay ku soo qaadaan dalka Kenya tan iyo inta ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduuda Soomaaliya muddo shan sano haatan laga joogo.