TV-ga Cuatro Oo Soo Bandhigay Aflagaadadii Uu Neymar U Geystay Jamaahiirta Valencia Ka Hor Inta Aan Caaga Biyaha Madaxa Looga Dhufanin.

0
Thursday October 27, 2016 - 08:17:49 in by salman abdi
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TV-ga Cuatro Oo Soo Bandhigay Aflagaadadii Uu Neymar U Geystay Jamaahiirta Valencia Ka Hor Inta Aan Caaga Biyaha Madaxa Looga Dhufanin.

    Caradii ka dhalatay caagii biyaha ee lagu soo tuuray ciyaartoyda Barcelona kulankii u dhaxeeyay Valencia iyo Blaugrana ayaa weli socota.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caradii ka dhalatay caagii biyaha ee lagu soo tuuray ciyaartoyda Barcelona kulankii u dhaxeeyay Valencia iyo Blaugrana ayaa weli socota.

Valencia waxaa lagu ganaaxay 1500 euro dhacdadaas darteed halka xiriirka kubada cagta Spain ay ku dhaleeceeyeen ciyaartoyda Barcelona sida ay u dhaqmeen iyo aflagaadadii ay u geysteen jamaahiirta Valencia markii ay u dabaaldegayeen rigooradii uu waqtiga dhimashada dhaliyay Lionel Messi.

Muuqaal soo baxay ayaa muujinaya Neymar oo aflagaadeynaya taageerayaasha Valencia markii uu Lionel Messi rigoorada dhaliyay, inkastoo aysan taasi marmarsiiyo u noqon karin in taageerayaasha ay walxo ku soo tuuraan ciyaartoyda.