Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 6aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

0
Thursday October 27, 2016 - 17:44:47 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa Qaybtii 6aad W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

    Qaali markii ay utimi ayaa ay damacday inay ku tuurtuurto hadalo kaftan ah waxayna ku tiri , muumin ayaamahan danbe qurux law ayaad noqotay inantii ku aragtaabba waa ay ku caashaqaysaa, muumin ma aanu jeclaysan kaftankka iyo xataa lahadalka qaali wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaali markii ay utimi ayaa ay damacday inay ku tuurtuurto hadalo kaftan ah waxayna ku tiri , muumin ayaamahan danbe qurux law ayaad noqotay inantii ku aragtaabba waa ay ku caashaqaysaa, muumin ma aanu jeclaysan kaftankka iyo xataa lahadalka qaali wax jawaab ahna ma uu siinin, qaali waxa ay wajiga muumin ka dareentay sida aanu ugu baah nayn hadalkeeda ,arintaasina qaali waxa ay ku noqotaya boog iyo xanuun iyada ugaara oo aanay cidi la dareemayn

.

 

Qaali waxa ay si dhaba u xaqiiqsatay in bili aadanku aanu ahayn wax lagu ciyaaro dadka ilaahay abuurayna taajir ha ahaado ama faqiir ha ahaadeee ay siman yihiin isla markaana ay qalbi qudha wada leeyihiin, isla markaana si isku mida wax uwada jeclaan karaan, Qaali waxa ay maalinba maalinta ka danbaysay si aadyar aad yar ah  usii jeclaanaysay muumin ilaa ay ka noqotay mid si dhaba ujecel isla markaana uu marba marka ka danbaysa  jacaylku kusii xoogaysanayo hase ahaatee muumin waxba kama oga waxaas oo dhan niyadiisana ma galin in uu wax jacayl ah lasameeyo inan sida qaali oo kale kibir badan.

 

Ax ax ax , xanuun badanaa dhaawaciisa jacayl aanay cidina kuu ogayn qaali nafsadeeda waxaa buuxiyay xiisaha iyo jacaylka ay u hayso muumin habeen iyo maalina waxa ay maanka ku haysaa sidii ay ugu sheegan lahayd jacayl keeda laakin ma garanayso meel ay ka bilawdo waxayna noqotay dhibane jacayl, mudo waxa ay sidii ahaataba waxay nafteeda ku qasabtay in ay usheegato jacaylkan ay ka ladi wayday waxayna isku qancisay odhaahdii ahayd waxaad qarsataaba way ku qarsadaan.

Waxaa dhacday maalin galab ah in qaali ay muumin ka dalbato in uu suuqa uraaco oo uu wax kala soo iibiyo laakin muumin kama aanu yeelin ee waa uu ka diiday waxa uuna u sheegay in ay siraad oo qaali saaxibadeed ah, ay balan san yihiin isla markaasna uu siraad meel u raacayo, qaali waxa ay aad uga sii xumaatay balanta ay wada lahaayeen muumin iyo siraad waxayna u qaadatay in siraad ay tartan jacayl kula jirto isla markaana ay si dhibyar ku waayayso inanka ay nafteeda xataa ka jeclaatay, taasna waxa ay kusii noqotay nabarkale waxayna  jidhkeeda ka dareentayay xanuunka uu leeyahay qof aad jeceshahay oo qofkale usii jeeda, waxayna qaadaysaa, naftaydu nafbay rabtaa naftina nafkalay rabtaa, ax ax ax ax, xanuun badabaa jacayl aan laguu ogayni, waa xaal aduunyo lama gaadho warkeedee  qaali waxa ay lasoo daristay nolol jacay kudheehan yahay isla markaana ay usii dheerayd walwal xoogan oo ay ka qbatay in siraad ay ka qaado wiilka ay jeceshahay waxayna nafteeda ku celcelinaysaa mar uun maad dareentid jacaylka aan kuu hayo waxa kale oo ay nafteeda waydiinaysaa qaali, maxaa  ay naftu u jeclaataa qof aanay heli Karin muxuuse qofka la jecel yahay u dareemi waayaa qofka jecel.

 

Maalintii xigtay ayaa ay hadna qaali  muumin  ka dalbatay in uu suuqa uraaco oo uu wax kala soo iibiyo maadaama uu shalay diiday laakin si lamida sidii shalay muumin waxa uu usheegay in maantana uu kubad soo ciyaarayo isla markaana aanu raaci Karin, qaali intaa kuma aanay qancin ee waxa ay usoo adeegsatay hooyadeed oo run ahaantiina muumin aad u qadari jiray, isla markiibana waxa ay qaali hooyadeed u sheegtay muumin  in uu qaali suuqa u raaco oo uu wax kala soo iibiyo, muumina hadal kuma soo celin ee waa uu ka ogolaaday,

 

Muumin iyo qaali waa ay is raaceen waxa ayna aadeen dhankii suuqa waxa ayna intii ay wada socdeen waydiinaysay su aalo ubadan fikirka uu ka qabo jacaylka waxayna way diisay suaal ahayd kawaran hadii ay jirto inan xumaan badan kuu gaysatay oo hadana si dhaba kuu jecelaatay jacaylkeedana kaala baqaysa inay kuu sheegato sidaad wax ula qaban lahayd? Muumin oo madaxa ruxaya ayaa yidhi taasi maba dhacaysaba,  qaali oo wad naheedu aad u gariirayo ayaa hadana ku celisay walaal run ahaantii inan Ayaan aad ujeclaaday isla markaana  xumaan fara badan Ayaan usoo gaystay mana garanaayo sidaan ugu sheegto jacaylka faraha badan ee aan uhayo walaal adigu garab may siinaysaa oo mayla baadi goobaysaa inankaa? Muumin ayaa yiri haa garab waan kusiinayaa waana aan kula baadi goobayaa laakin ogow jacayl iyo nacayb meel ma wada galaan, qaali ayaa tiri haa waaa runtaa meel mawada galaan laakiin ogaow nacayb badanbaa jacayl badan laga dhaxlaa run ahaantiina aadbaan u necbaa hadana aaadbaan u jecelahay hadaan waayana waxaan ku dhacayaa mustaqbal madow,…….. lasoco qaybta 7aaaaad

 

 

 

 

 

 

Nacaybaa Jacayl Laga Dhaxlaa W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

Gmail:Maxamedqani122@gamail.com

Facebook: Maxamed Andar