Daawo Sawirada: Sadex Dhul Gariir oo xalay ku dhuftay Qeybo kamid ah dalka Talyaaniga

0
Thursday October 27, 2016 - 21:17:08 in by Burco Office
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Sadex Dhul Gariir oo xalay ku dhuftay Qeybo kamid ah dalka Talyaaniga

    Waxaa xalay deegaano kuyaala bartamaha dalka Talyaaniga ku dhuftay sadex dhulgariir , waxaana goobaha uu dhulgariirkan xalay ku dhuftay kamid ah goobo labo bil kahor dhulgariir dad badan ku dhinteen uu ku dhuftay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay deegaano kuyaala bartamaha dalka Talyaaniga ku dhuftay sadex dhulgariir , waxaana goobaha uu dhulgariirkan xalay ku dhuftay kamid ah goobo labo bil kahor dhulgariir dad badan ku dhinteen uu ku dhuftay.

Dhulgariirka xoogiisa ayaa ku dhuftay Tuulada Visso ee bartamaha Talyaaniga, waxaa sidoo kale dhulgariirkan laga dareemay qeybo badan oo kamid ah dalka Talyaaniga ay ku jirto caasimada dalkaasi ee Roma.

Sida ay baahiyeen Telefishinada dalka Talyaaniga dhulgariirkan ku dhuftay dalka Talyaaniga waxaa ku bur buray dhismooyin badan ay ku jiraan kaniisado qadiimi ah oo kuyaala deegaanada ay sida xoogan ugu dhufteen dhulgariirka.

Dalka Talyaaniga deegaano kuyaala waxaa bishii Agoosto ee sanadkan ku dhuftay dhulgariir aad u xoog badnaa, waxaana ku dhintay dhulgariirkaasi dad gaaraya 297-qof halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.