Koobka Aduunka Oo Markii Ugu horeysay Taariikhda Laga Daawan Doono Diyaaradaha Dushooda

0
Friday June 13, 2014 - 13:43:18 in by Burco Office
  • Visits: 1580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koobka Aduunka Oo Markii Ugu horeysay Taariikhda Laga Daawan Doono Diyaaradaha Dushooda

    Rakaabka ku soo beegma xiliyada ay socdaan ama ciyaarayaan qaramadoodu , ayaan dib uga warwari doonin inay dhaafto ciyaarto,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rakaabka ku soo beegma xiliyada ay socdaan ama ciyaarayaan qaramadoodu , ayaan dib uga warwari doonin inay dhaafto ciyaarto,

kuwaas oo toos uga daawan doono diyaaradaha ay raacayaan.


Channel-ka ciyaraaha khaaska u ah ee Sport 24 ayaa si toos ah looga daawan doonaa ciyaaraha socda (live) kadib heshiis uu la gallay sagaal shirkadood oo waaweyn oo diyaaradaha ah, kuwaas oo rakaabkoodu muuqaalka ciyaarta oo qurux badan iyo ciyaarta oo toos ah ay hawada sare ku daawan doonaan.


Waa markii ugu horeysay taariikhda ee ciyaaraha si Live ah loogu dhex daawan doono diyaaradaha dhexdooda , waxaana la qiyaasayaa , tartankan maanta ka furmaya wadanka Brazil in ay nasiib u hellaan 3.5 million oo rakaab ahi inay hawada sare kula socon doonaan hadda wixii ka dambeeya.

Shirkadaha heshiiska la gallay telefishanka Channel Sport 24 ayaa waxaa kamid ah shirkadaha diyaaradaha ee caanka ka ah dunida oo ay ku jiraan , Lufthansa, Emirates, Etihad iyo Turkish Airlines.




Robin Van Perise Oo ka dardaar wariyey jawiga dalka Brazil

Ciyaaryahan Roben Van Perise ayaa ka sheegay la qabsan la’a jewiga kulul ee dalka Brazil, isagoo dhanka kale meesha ka saaray in xiddigaha Hollan.

Vaan

Van Perise ma amaanin jawiga Rio de Janeiro oo xiligan xulka Holland ku suganyahay, laakiin waxa uu tilmaamay iney la qabsa doonaan wax dhibaataana ku yeela doonin.

Van Gool waa amaanay magaalada Rio de Janeiro laakiin jawiga kuma qancin, isagoo yidhi war iyo dhamaantii jawigu xujo nooma noqon doono.

Sidoo kale wuxuu cabsi kamuujiyay kulanka ugu horeeya ee Spain ay la ciyaari doonaan, Costa waa laacib way laakiin Spain koox ahaan ayaan uga baqaynaa



Balotelli:"Waan ku kalsoonahay Awooda Qaranka Talyaaniga Ee koobka aduunka”

Laacibka iska yaabiska badan ee kooxda Milan "Mario Balotelli” ayaa sheegay inuu u baahanyahay in saxaafada iyo dadku ka sheekeeyaan, isagoo yidhi waxaa la soo gaadhay xiligii laga hadli lahaa waxa aan garoonka ka sameeyo.

balotelli

Mario waa shaqsi ku caan-baxay samaynta waxyaabo la yaab leh, marka uu garoonka ka banaanka joogo, waxyaabaha lagu xasuusan doono waxaa ka mida marki uu xidhay funnaanada Milan isagoo ka tirsan kooxda Inter, sidoo kale markii uu iska gubay maankiisa xiligii uu Man City joogay, sidaas ay tahay waxaa lagu tiriyaa Mario inuu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican xulka Italy ee ka qeyb gelaya koobka aduunka 2014. Sunday Mail ayuu u sheegay hadalkaan ” dadku waxay jecelyihiin iney ka sheekeeyaan Mario, waxay doonayaan inay wax ka qoraan Balotelli laakiin hada waxaa la soo gaadhay marki ey ka hadli lahaayeen waxa uu garoonka ka dhax samaynayo”Waxaan rabaa inaan ka mid noqdo xiddigaha ugu fiican koobka aduunka, waa ku kalsoonahay awooda Italy, waana ku guuleysan karnaa koobka aduunka, waa laga yaabaa in mid ama laba xul oo naga awood badan ay joogaan,”



Kooxda Man.United Oo qalqaalo ugu jirta Iibitaanka Fellaini

Manchester United ayaa diyaar u ah inay iska iibiso xiddiga ku fashilmay nolosha garoonka Old Trafford ee Marouane Fellaini madaama kooxdan uu xilli ciyaareedka dambe la wareegi doono macallin Louis van Gaal oo suuqa ka doonaya inuu ka soo iibsado ciyaartooy wax ku ool ah sidaasna daaqada kaga bixi doono xiddigan reer Belgian sida laga soo xigtay The Times.

Marouane-Fellaini-Belgium

Macallinkii hore ee kooxdan laga diray David Moyes ayaa qiimo xoogan oo gaadhaya £27.5m kaga soo iibsaday ciyaaryhankan jooga dheer kooxdiisii hore ee Everton, isagoo wixii markaas ka dambeeyay 26-jir u adeegsaday boos aanu aqoon u lahayn maadaama markiisii hore Everton u ciyaari jiray booska kubadd bur-burinta khad dhexe balse Moyes ayaa u isticmalay laacibkan booska kubadd sameeynta taasoo keentay inuu xiddigan dhererkiisu yahay 6ft iyo 5in ku fashilmo sagaalkii bilood uu u ciyaarayay United.









Afkashacabka.com / Sports
Contact@afkashacabka.com