Shan Qodob Oo Abid Ku Suntanaan Doona Taariikhda Madax Wayne Axmed Siilaanyo W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

0
Sunday October 30, 2016 - 12:15:50 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Qodob Oo Abid Ku Suntanaan Doona Taariikhda Madax Wayne Axmed Siilaanyo W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

    iyada oo aan marnaba indhaha laga qabsan Karin wax qabadada faraha badan ee madax wayne siilanyo kusoo kordhiyay wadanka tan iyo markii uu xilka kala wareegy madax waynhii hore ee daahir riyaale kaahin ayaa hadana waxaa jira 5 qodob oo aan u arko in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyada oo aan marnaba indhaha laga qabsan Karin wax qabadada faraha badan ee madax wayne siilanyo kusoo kordhiyay wadanka tan iyo markii uu xilka kala wareegy madax waynhii hore ee daahir riyaale kaahin ayaa hadana waxaa jira 5 qodob oo aan u arko in abid ay ku sun tanaan doonaan taariikhda madax wayne axmed maxamed maxamuud siilaanyo, walaw ay jiraan waxqabado kale oo fara badan isla markaana lagu xasuusan doono madaxweyne axmed siilanyo.


 

Sidoo kale Waxaa jiray balan qaadyo fara badan oo uu bulshada usameeyay madax wayne axmed siilaanyo markii uu ololaha kujiray kuwaas oo dhamaantood u muuqda kuwa uu ku guulaystay In uu kaga dhabeeyay balan qaad yadiisii., Hadaba waakuwan shanta qodob ee aan u arko in ay ku suntanaan doonaan abid taariikhda axmed siilaanyo kuwaas oo dhamantood noqon doono kuwa dhaxal gala isla markaana aan marnaba la ilaawi doonin,

 

1.     Lacagtii soomaaliya ee loo yaqaan qarbashta ama giimbaarta ee laga isticmaali jiray gobolada bariga Somaliland  oo uu madax wayne siilaanyo ku guulaystay in uu ka bedelo goboladaas  oo uu ugu badalay lacagta Somaliland si lamidana uu ka tirtiray lacgtii hore ee soomaliya goboladaas oo ay kaw ka ahayd caaasimad ku xigeenka Somaliland ee mgaalo madaxda burco oo hore looga isticmaali jiray lacagtii soomaliya ee loo yaqaanay giimbaarta, waana arin qabyo ka ahayd sadexdii madax wayne eek a horeeyay madaxwayne siilaanyo laakin nasiib wanaag isagu uu ku guulaystay in uu dhamaystiro, hadaba arintan ayaa noqon doonta arin aanay abid ilaawi doonin shacabka ku nool jamhuuriyada somalialnd waana arin ku suntanaan doonta taariikhda madax wayne siilaanyo.

 

 

2.     Maalinta loo yaqaan 18 may oo ah maalintii aynu calanka dib ugala soo noqonay dawlada somaliya 1991 isla markaana ah maalin ku suntan qaranka Somaliland, ayaa waxa ay hore u ahaan jirtay maaalin aan si wayn loo xusin,  waxaana aan indhaha laga qarsan kirin in madax wayne siilaanyo maalintaas sare u qaaday isla markaana ka dhigay maalin ay dhamaanba shacabwaynaha reer Somaliland meel walba oo ay joogaan isu soo baxaan isla markaana ay muujiyaan shucuurtooda wadani nimo taas oo sanadba sanadka kasii danbeeya ay sii xoogay sanayso waana arin uu madax wayne siilaanyo ku soo kordhiyay qarankeena , haa way jirtay oo hore waa loo xusi jiray laakin marna ma aanay ahayn sida uu maanta madax wayne siilaanyo ka dhigay waana aynu la soconaa in marka la gaadho may 15 casho kohor madax waynuhu u saaro gudi sii qaban qaabisa maalintaas, waana arin aan istaagayn oo socon doonta hadii ay xataa 30 madax wayne oo kale yimaadaan waana wado uu jeexay siilaanyo  oo ay aniga ila tahay in aanay marnaba ka baxayn taariikhda madax wayne siilaanyo.

 

 

3.     Wadada ceerigaabo: iyadoo ay jirto wadooyin farabadan oo ay dawlada uu gadhwadeenka kayahay madaxwayne siilanyo ay hir galisay iyo kuwa dib u cusboonaysiin lagu sameeyayba sida wadada isku xidha hargaysa,Berbera iyo burco oo kale oo dib u cusboonaysiin  lagu sameeyay, ayaa hadana waxa xusid mudan in wadada ceeri gaabo oo ahayd wado lagu rafaadi jiray isla markaana ay shacabka iyo dalkuba u baah naayeen in mar uun la hir galiyo ayaa maanta waxaa riyo rumawday noqotay in madax wayne siilaanyo iyo xukuumada uu hogaamiyaa ay ku guulaystaan in ay dhisaan wadadaa  taas oo aan marnaba la ilaawi doonin kuna suntanaan doonta waxqabadada iyo taariikhda axmed siilaanyo.

 

 

 

4.     Qodobka afraad ayaa isaguna ah arin ay shacabwaynaha reer somalilnd ku reyeen isla markaana ay u riyaaqeen taas oo loo baahnaa in wakhti hore loo sameeyo hase yeeshee uuu madax weyne siilaanyo kaga dhabeeyay  waana  lacagta 1000 shiln iyo 5000 ee shilin Somaliland ta ah  oo ah lacag qarakeenu leeyahay oo uu hir galiyay madax wayne siilaanyo maadaama hore loo isticmaali jiray 500shilin,100shilin iyo 50shilin taas oo uu hada kusoo kor dhiyay 1000 shilin iyo 5000 oo shiln taas oo noqon doonta arin aan abid la ilaawi doonin isla markaana ku suntanan doonta waxqabadada iyo taariikhda  axmed siilaanyo, noqon doontana mid dhaxal gal ah.

 

5.      Qodobka shanaad ayaa isaguna ah darajada ama biladaha amaba xidigaha ku taxan ciidamada kala duwan ee qaranka kuwaas oo aan hore u jirin hase ahaatee madax wayne axmed siilaanyo uu kusoo kordhiyay qarananka jamhuuriyada Somaliland taas oo abid noqon doonta wax lagu xasuusto kuna sun tanaan doonta taariikhda madax wayne siilaaanyo

 

 

 

 

                                                                                                              

 

Shan qodob Oo Abdid Ku Suntanaan Doona Taariikhda Madax Wayne Axmed Siilaanyo W/Q Maxamed Cabdi Cabdilaahi(Maxamed Andar)

Gmail: Maxamedqani122@gmail.com

Facebook: Maxamed Andar