Ciyaartooyo Ka Tirsan Gobolka HAWD Oo Laga Mamnuucay Ciyaaraha Gobollada Iyo Ganaax Lacageed Oo La Huwiyey.

0
Sunday November 06, 2016 - 08:17:03 in by Burco Office
  • Visits: 1325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartooyo Ka Tirsan Gobolka HAWD Oo Laga Mamnuucay Ciyaaraha Gobollada Iyo Ganaax Lacageed Oo La Huwiyey.

    Laba Ciyaartoy oo ka tirsan xulka gobolka HAWD ee kubadda Kolayga ayaa laga mabnuucay ciyaaraha ka hadhsan tartanka kaddib markii ay ku kaceen falal lid ku ah anshaxa ciyaaraha kulankii gobolkoodu la yeeshay Awdal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Ciyaartoy oo ka tirsan xulka gobolka HAWD ee kubadda Kolayga ayaa laga mabnuucay ciyaaraha ka hadhsan tartanka kaddib markii ay ku kaceen falal lid ku ah anshaxa ciyaaraha kulankii gobolkoodu la yeeshay Awdal.



Xulka Gobolka HAWD oo kulankii koowaad guuleystay ayaa laga badiyey ciyaartii labaad oo ay iska hor yimaaddeen Awdal, taas oo laba ciyaartoy oo ka tirsan ay la dagaallameen garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayey.

Guddida Anshaxa ciyaaraha kubadda kolayga oo uu guddoomiye ka yahay Axmed Cismaan Diiriye (Shaadhay) ayaa go’aan ay ka soo saareen waxay ka mabnuuceen ciyaaraha hadhsan labada ciyaartoy ee Wacays Daa’uud (Wacays-dhaqan) iyo Khaalid Maxamed (Khaalid Dhaaboo), taas oo loo raaciyey in xulka gobolku bixiyo lacag ganaax ah oo dhan 1,000,000 (Hal milyan) Somaliland shilin ah.

image

Go’aanka guddida Anshaxu soo saarayna waxa uu u dhignaa sidan:

UJEEDO: ANSHAX MARIN CIYAARTOY

Tixraac warqada ku taariikhaysan 05/11/2016 ayna soo gudbiyeen gudiga garsoorka kubada kolayga Somaliland, kana hadlaysay fal-lidi ku aha Anshaxa Ciyaaraha oo ay ku kaceen labada ciyaartoy ee magacyadoodu kala yihiin :-

Wacays Daa’uud (wacays dhaqan)
Khalid Maxamed (khaalid banbo)
guddida-anshaxa-kolayga

Una ciyaara xulka Gobolka Hawd ee Kubada Kolayga, falkaas oo ahaa gacan ka hadal ay u geysteen Garsoorihii dhex-dhexaadinaayay kulankii ciyaareed ee dhex-maray HAWD iyo AWDAL kadib, markii ay ciyaartu dhamaatay.

Sidaas Awgeed, markay gudida anshaxu arkeen falka ay gaysteen labadaa ciyaartoy waxay go’aamiyeen:-

1. In la ganaaxay oo laga joojiyay dhamaan ciyaaraha u hadhay kooxdooda labadaa ciyaartoy ee kor ku xusan inta uu tartanka ciyaaraha Goboladu socdo

2. In ay kooxdu bixiso ganaax dhan 1000,000/shilin (hal milyan oo somliland shilin ah) kaas oo laga doonayo in ay bixiyaan 24-saac ka hor kulankooda saddexaad

3. In hadii ay la yimaadaan fal noocaas oo kale ah, laga joojin doono ciyaaraha Gobolada muddo Laba Sanno ah.

GUDIDA ANSHAXA IYO DACWADAHA

Axmed Cismaan Diiriye (Gudoomiye)
Maxamuud Xadi Axmed (Gudoomiye xigeen)
C/risaaq C/raxman C/laahi (Xoghayn)
Mukhtaar aw Xasan (Xubin)
Amiin Cali Nuur ( Xubin)”