Turjumaano Ayay U Baahan Yihiin Dadka Somalida Qaarkood! WQ/Khadar Aar.

0
Monday November 07, 2016 - 13:18:25 in by salman abdi
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turjumaano Ayay U Baahan Yihiin Dadka Somalida Qaarkood! WQ/Khadar Aar.

    Somalidu wali waxaa jiray dad aan dhinaca lahjada Somaliga aan si fiican isugu fahmin, ,taasi oo keentay in dad badan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalidu wali waxaa jiray dad aan dhinaca lahjada Somaliga aan si fiican isugu fahmin, ,taasi oo keentay in dad badan oo


 

dani ka dhaxayn lahayd ay is fahmi wayaan amma ay is af-garan wayaan ,mararka qaarkoodna ay u baahdaan cid u kala turjubaanta.

Nin u dhashay Koonfurta Somaliya ,ayaa waxa uu xidhiidh aad u dhaw la lahaa gabadh u dhalatay Waqooyiga ,balsi ninkaasi Ilahay amarkii gabadhii ismay calfay (guursan) nasiib darro gabadhii waxa ay guursatay ninkale.

Madamaa ay gabadhii ninkale ay guursatay,waxa ay kala faataxaysteen wadadkii reer Koonfur oo magaciisa layidhaa Calasow ,wakhti aad u badan ka bacdi ayaa gabadhi iyo ninkii ay guursatay ay kala tageen, calafkooduna uu dhamaaday.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii Calasow oo Dukaan wax ka iibsanaaya ayaa waxa uu kusoo baxay qof u eeg gabadhii uu barigii aadka u jeclaa ee magaceeda la odhan jiray Xaliimo.

Calasow aad ayuu gabadhii indhaha ugu jeediyey,balse wali shaki ayaa kaga jira in gabadhani ay tahay jacaylkiisii hore iyo in kale,waayo waxa ugu danbaysay muddo aan ka yarayn dhawr iyo toban sano.

Ilahay amarkii gabadha lafteedii waxa ay noqotay mid iyaduna ka libiqsan wayday aragtida Calasow, waxa ka dhacday isu fiirsasho aan caadi ahayn,qofkastaba waxa uu ka fikirayaa qofkab halkee ayaad ku arki jirtay.

Hadal iyo dhamaan ,waxa la yidhaa dumarku ma ilaabaan waxyabaha qaar ,gabdhii ayaa hadalka ku horaysay waxa ay tidhi ;-ma waxa aad tahay Calasow ?waxa uu ku jawaabay haa ! adigu ma waxa aad tahay Xaliimo.

Salaan iyo isku soo boodo gaaban ka bacdi,waxa la iskula degdegay iswaraysi iyo halkeed ka dhacday iyo ii waran; ma guursatay iyo adigu ma guursatay,midkastaaba waa uu jeclaan lahaa in kan kale yidhaado maya ee wali maan guursan.

Calasow oo la waydiiyay su’aasha ah ma guursatay ? ayaa waxa uu lasoo booday Abaayo haa, isla gabdhii waxa ay sa’ashii daba dhigtay hore ,caruur ma kuu dhalatay ?Calasow oo waxoogaa yar diidan su’aasha danbe ayaa waxa uu yidhi maya Ilahay baana qadaray.

Calasow ayaa isna sidaasi oo kale waxa uu Xaliimo waydiiyay in ay guursatay iyo in kale,waxanay ku jawaabtay haa waan guursaday,hadana waxa ay sii raacisay si ay ugu sheegto in ay hada madax banaan tahay *balse ninkii aan guursaday waanu kala tagnay ;taasi oo ay Calasow bushaaro uga dhigayso ,madamaa ay ogayd siduu u jeclaa.

Runtii Calasow arinkaasi ah waan guursaday ma’uusan jeclaysan ,hadana waxa uu xooga ku yidi-diishay furiinka danbe ee ay xaliimo sheegtay ,taasi oo uu u arkay in ay tahay fursad labaad oo uu ku guursan karo Xaliimo oo uu hore u jeclaa.

Xalimo in la guursaday isla markaana ay ninkii kala tageen intaasi kumay dhaafine waxa ay Calasow u sheegtay in ninkii Guursaday aanay ku khaasarin iyada oo u waramaysay Calasawna waxa ay tidhi:-

Walaalo ninkii aan guusdaya kumaan khaasaarin oo laba nin ayaa Ilahay iga siiyay !Calasow aad ayuu u yaabay ,waxaanu fahmi waayay eraygan danbe ee ay raacisay furiinka ee ah in Ilahay laba nin uu siiyay.

Calasow oo yaaban ayaa ku celiyay ,waxanu ku yidhi,yaa maxaa tiri abaayo ninkii ku furay laba nin aan ka helay aa?Xaliimo oo hadalkeedii hore sii qurxinaysa ayaa tidhi:- haa waa Ilahay mahadii ninkaas kumaan khasaarin Laba nin oo Labatan jirraa ayaan ka helay oo aan hada haystaa,maxaa ku helay Calasow mashaa Allah dheh.

Calasow oo yaaban ayaa wax uu ku hadlo ayuu garan wayay,waxa kaloo hadana laf dhuun gashay ku noqotay labadan nin ee Labatan jiradaa, waayo waxa uu filayay madamaa gabadhan oo hore u jeclaa ,calafna kala kaxeeyay,in maanta madama la soo furay uu u bandhigo guur labaad,balse waxa ku adkaatay eraygii ahaa ninkii isoo furay laba nin oo labatan jiraa ayaan ka helay.

Runtii Calasow arintaasi waxa ay ku noqotay mid aad u adag,waxa kaloo iyana uu fahmi waayay labadan nin ee ay Xaliimo sheegtay iyo ninkan furay cilaaqada ka dhaxaysaa maxay ayay tahay,waxaanu isku qanciyay garawsadayna in Xaliimo aanu boos uga banaanayn ee ay laba nin ku jiraan.

Malintaasi Calasow iyo Xaalimo intaasi isumay dhaafin,balse waxa ay kala qorteen talafonada,waxanay ku balameen in ay dib kasoo wada hadlaan,iyada oo midkastaba uu kan kale aad u danaynayo.

Wakhti laga joogo muddo hal bil ah ,ayaa Calasow isaga oo Bas saaran ayaa waxa uu arkay kursi aan sidaasiba uga sii fogayn Xaliimo oo fadhida isla markana laba inan (wiil) midba uu dhinac ka fadhiyo.

Calasow waxa maskaxdiisa ku soo dhacday,alaylahe Xaliimo labadii nin ee ay sheegaysay waakuwan hareeraheeda fadhiya ,waxa kaloo layaab ku noqotay Calasow madama ay labadan wiil yihiin kuwo aan wali si fiican aan u qaan-gaadhin ,maxay ayay yihiin xidhiidhka ka dhaxayn karaa Xaliimo.

Calasow oo yaaban ,runtiina waxbadani ay ka qaldan yihiin ,ayaa waxa Baskii soo fuulay Dumar Somaliyeed ,sida inta badan dumarkeena u caado ah,waxa ay markiiba bariidiyeen gabadhii Xaliimo,kadibna waxa ay cod dheer ku yidhaahdeen mashaa Allaah sawkuwan kuu koray caruurtaadi:

Calasow hada ayuu fahmay sheekadii ,inta uu markiiba soo kacay ayaa waxa uu ku yidhi Xalimo,oo ma adiga ayaa dhalay labadan Wiil? waxa ay ugu jawaabtay haa, sawnigii kuu sheegay miyaad ilawday Calasow ? kuyee maya maan ilaabin waxaan u fahmay in laba nin oo kale ay ku guursadeen kkkk qosol iyo amakaag!!



Wabilaahi tawfiiq.


WQ/Khadar Ibrahim Aar


khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com