TALYAANIGA OO KU HANJABAY INUU JOOJIN DOONO SAMATA BIXINTA TAHRIIBAYAASHA KU QARAQMA BADWEYNTA

0
Tuesday June 17, 2014 - 15:31:51 in by Super Admin
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALYAANIGA OO KU HANJABAY INUU JOOJIN DOONO SAMATA BIXINTA TAHRIIBAYAASHA KU QARAQMA BADWEYNTA

    Dawladda Talyaaniga ayaa ku hanjabtay inay Joojinayso Badbaadinta Tahriibayaasha Africa ka taga ee Beegsanaya Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Talyaaniga ayaa ku hanjabtay inay Joojinayso Badbaadinta Tahriibayaasha Africa ka taga ee Beegsanaya Yurub.

Talyaaniga ayaa Tahriibayaal badan ka Badbaadiya Badda Talyaaniga iyo Africa u dhexaysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Talyaaniga Angelino AlFano ayaa ku hanjabay in dowladiisa ay joojin doonto badbaadinta tahriibayaasha Afrika ee badda laga soo Badbaadiyo, wuxuu sheegay hadii midowga Yurub uu ka qayb qaadan waayo howl-galkaas in ay joojin doonaan Badbaadinta.

"ma jecli in dadku badda ku dhintaan hadana waa muhiim in midowga Yurub ka qayb qaato howshan aan dhamaadka lahayn.” Ayuu yiri Alfano.

Markab laga leeyahay dalka Kuwait oo sida 356 tahriibayaal la soo badbaadshay ah ayaa xiliga wasiirku hadalka jeediyey wuxuu tegay magaalada dekeda ah Pozzallo, dowladda Rome ayaa inta badan badbaadisa tahriibayaasha, waxaana maraakiibtooda gaaf wareegaan biyaha u dhexeeya iyaga iyo Liibiya.

Dhawaaqa Talyaaniga ayaa walaac ku abuuraya dad badan oo tabaniyayay tahriib. Arintan ayaa laga yaabaa in Midawga Yurub Jawaab ka bixiyey si uu Talyaaniga uga Caawiyo Hawlaha Tahriibayaasha.



afkashacakab.com
Rome / Italy