"Anigu Waan ku raacsanahay Axsaabta in wax laga bedelo Guddigii Doorashooyinka, Dee Khalad bay ahay in..." Jamal Ali Hussein

0
Wednesday June 18, 2014 - 08:19:46 in by Super Admin
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anigu Waan ku raacsanahay Axsaabta in wax laga bedelo Guddigii Doorashooyinka, Dee Khalad bay ahay in..." Jamal Ali Hussein

    Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa taageeray aragtida ah in wax ka bedel lagu sameeyo habka loo magacaabo Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa taageeray aragtida ah in wax ka bedel lagu sameeyo habka loo magacaabo Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Musharaxa Jamaal waxa uu taageeray soo jeedin hore Gudoomiyaha Wakiilada iyo Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay in la kordhiyo tirada Komishanka Doorashooyinka oo ah 7 xubnood, lana gaadhsiiyo 9 Xubnood, islamarkaana Xisbiyadu tiro siman soo Magacawdaan.

"Anigu waan ku raacsanahay Asxaabta in wax laga badalo Sidii Guddida(Komishanka Doorashooyinka) loo kala qayb sanayay. Sababtoo ah, dee Saddex Xisbi oo la yidhi waad tartamaysaan, ayaa midna la yidhi Saddex Xubnood ayaad magacaabaysaa, midna la yidhi mid kaliya ayaad magacaabaysaa, Saddexdiina(3-da Xisbina) way tartamayaan, waxay ahayd yara khalad, markii hore inay Ogolaadaan Asxaabtii hore may ahayn, waanan ku raacsanahay in wax laga bedelo. Guddidii Doorashooyinka wakhtigoodii wuu soo dhaw yahay, waxaana la gaadhay xiligii hanaankii iyo talaabadii lagu bedeli lahaa laga hadli lahaa, waayo Bisha October waa in Guddidii sideeda u taagan tahay Diwaan gelintiina la bilaabo, wayna fiican tahay in dadka tartamaya si siman wax u soo magacaabaan.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo u waramayay HCTV.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa dhawaan sheegay inay haboon tahay in wax laga bedelo hanaanka loo magacaabayo Guddida doorashada, hase ahaatee dhinaca Kulmiye iyo Xukumadda ayaan wax jawaab ah ka bixin Aragtida Mucaaradka ee ku salaysan wax ka bedelka Guddida Doorashada oo ay walaac badan ka qabaan.


 

Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa si aada loogu dhaliilay Doorashadii Golaha degaanka ee sanadkii 2012. Waxaa guddida lagu dhaliilay inay wax isdaba marin sameeyeen, islamarkaana dalka khal-khal u horseedi gaadheen





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com