Warbixin: November Ayaa Ah Bisha Ugu Xun Ee Arsenal Ee Waayaha Arsene Wenger, Hadaba Sidee Bey Ahaayeen Bishii Dhamaatay?

0
Thursday December 01, 2016 - 13:44:45 in by Burco Office
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: November Ayaa Ah Bisha Ugu Xun Ee Arsenal Ee Waayaha Arsene Wenger, Hadaba Sidee Bey Ahaayeen Bishii Dhamaatay?

    Walwalka hayay inta badan taageerayaasha Arsenal bilowgii bisha November waxa ay aheyd mid sababo loo yeeli karay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Walwalka hayay inta badan taageerayaasha Arsenal bilowgii bisha November waxa ay aheyd mid sababo loo yeeli karay.

Kaliya ma aheyn inay kulamo adag ciyaarayeen sida Tottenham, Manchester United iyo PSG laakiin sidoo kale walwalkooda waxa ku saleysnaa in Arsenal ay rikoor xun ka heysata bisha November marka loo eego bilaha kale.

skysports-arsenal-november-worst_3821170

Rikoorka kulamada bil walba ee ay Arsenal ciyaartay intii uu Arsene Wenger tababare u ahaa:

Bisha Kulamada Guul G/darro Barbaro Farqiga Goolasha Celcelis Dhibcaha Kulan Walba
January 74 39 23 12 72 1.89
February 71 41 17 13 60 1.97
March 72 48 13 11 69 2.18
April 89 53 27 9 109 2.09
May 60 35 12 13 55 1.95
August 65 35 17 13 56 1.88
September 70 44 18 8 86 2.14
October 74 47 18 9 87 2.15
November 81 37 18 26 34 1.59
December 109 63 28 18 85 1.99

Ka hor sannadkaan, kooxda Gunners celcelis ahaan waxa ay bisha November ka heli jirta kulankii 1.59 dhibcood intii uu Arsene Wenger joogay. Marka taas lala barbardhigo celceliska dhibcahooda bisha March ee kulan walba waa 2.18 iyo 2.09 dhibcood kulankiiba oo bisha April ah.

Sannadkaan, lagama badnin horyaalka bisha ay neceb yihiin waxa ay barbaro la galeen Tottenham iyo United halka say 3-1 kaga badiyeen Bournemouth taasoo u dhiganta inay celcelis ahaan bisha November heleen kulankii 1.7 dhibcood kulamada Premier League.

Natiijooyinka kulamada Arsenal ee bishii November 2016:

1 Nov: Ludogorets 2-3 Arsenal – Champions League

6 Nov: Arsenal 1-1 Tottenham – Premier League

19 Nov: Man Utd 1-1 Arsenal – Premier League

23 Nov: Arsenal 2-2 PSG – Champions League

27 Nov: Arsenal 3-1 Bournemouth – Premier League

30 Nov: Arsenal 0-2 Southampton – EFL Cup

Waxa ay taasi ka dhigeysa ain wadar ahaan tartamada oo dhan in kulankiiba ay bishii November celcelis ahaan u heleen 1.59 dhibcood.

Waxa ay barbaro 2-2 la galeen PSG taasoo keentay inay kaalinta koowaad ee group-kooda Champions League u waayaan, iyo guuldarro 2-0 oo ka soo gaartay Southampton wareega 8da EFL Cup oo ay ku soo xiraan bisha.

Inkastoo ay Arsenal bishii November ee la soo dhaafay ay ka fogaatay inay kala dadaato sida dhici jirtay sannadigii h--e, hadana waxa ay ku faraxsan yihiin inay iska gadaal mariyeen November sannad kale.