War Deg Deg Ah : Ciidamo Goordhaw la Wareegay Bangi Ku Yaala Magaalada Gaalkacyo

0
Saturday December 03, 2016 - 14:04:54 in by Burco Office
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah : Ciidamo Goordhaw la Wareegay Bangi Ku Yaala Magaalada Gaalkacyo

    Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta ciidamo gadoodsan oo katirsan Daraawiishta maamulka Puntland ay wareegeen xarunta Bangiga Keyda lacagaha gobolka Mudug ee kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta ciidamo gadoodsan oo katirsan Daraawiishta maamulka Puntland ay wareegeen xarunta Bangiga Keyda lacagaha gobolka Mudug ee kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Sida aan Wararka ka heleyno ciidamada hubeesan ayaa ka gadoodsanaa mushaar la'aan la sheegay in dhoor bilood lasoo daristay, waxa ayna ciidamada gabi ahaan diideen in Bangiga la galo ama loo soo dhawaado.

Ciidamada Gadoodsan ee la wareegay Bangiga kuyaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa gabi ahaan xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa, waxa ayna ciidamadan yihiin kuwa aad u hubeesan oo wata gaadiidka dagaalka.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland ayaa wada dadaalo ay xal ugu raadinayaan ciidamada gadoodsan ee la wareegay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxa ayna masuuliyiinta wadahadalo la fureen ciidamada gadoodsan .

Ciidamo katirsan Maamulka Puntland ayaa marar badan sidan oo kale ula wareegay bangiyo iyo xarumo kuyaala magaalooyin katitrsan maamulka Puntland, ciidamadan ayaana cabasho ka ah mushaar laa'an lasoo daristay