"Madaxwaynaha Afar Bilood Jaanis Umaan Helin, Hanti Badana Way Iga Maqan Tahay Wax Badan-na Waan Tabanayaa Markaa Haddii Ay Suuro-gali Waydo Inaan…" Baashe Cali Jaamac

0
Friday December 09, 2016 - 13:30:28 in by salman abdi
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxwaynaha Afar Bilood Jaanis Umaan Helin, Hanti Badana Way Iga Maqan Tahay Wax Badan-na Waan Tabanayaa Markaa Haddii Ay Suuro-gali Waydo Inaan…" Baashe Cali Jaamac

    "Xisbiyada Mucaaridka ahi Imay Shukaansan Anna Xisbi Ayaan Ku Jiraa, Beeshaydana Waxaan Leeyahay Somaliland Ka Tagi Mayno" Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii hore ee biyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xisbiyada Mucaaridka ahi Imay Shukaansan Anna Xisbi Ayaan Ku Jiraa, Beeshaydana Waxaan Leeyahay Somaliland Ka Tagi Mayno" Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii hore ee biyaha

Wasiirkii hore ee khayraadka biyaha Baashe Cali Jaamac ayaa markii ugu horasay ka hadlay xilka qaadistii dhawaan madaxwaynuhu ku sameeyey iyo sida uu u arko.


Baashe Cali Jaamac oo ka mid ahaa wasiirradii ay dhawaan seefta madaxwaynuhu qaadatay ayaa xilka qaadistiisa ku macneeyey mid iska caadi ah, balse waxa uu sheegay inaanu Madaxwaynaha arag muddo afar bilood ah sidaas darteedna uu wax badan tabanayo, waxa uu sheegay inuu kulamo ula ballansan yahay madaxwanaynaha iyo inay jirto hanti badan oo xukuumadda kaga maqani, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

"Xilka Madaxwaynaha ayaa ii dhiibay isaga ayaana iga qaaday waana xaq distoori ah oo uu leeyahay, waxaanan u arkaa inay tahay arrin caadi ah, xilka qaadistaydu meelo Berbera ka mid tahay iyo halkan iyo nabadayntii bariga inay arrimahaas oo dhan ku lug lahayd ayaan u malaynayaa, nasiib darro Madaxwaynaha afar bilood marna gaar umaan arag oo jaanis umaan helin, laakiin hadda waa lagu maqan yahay inaan Madaxwaynaha is aragno, madax badan ayaa ku maqan wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku maqan aniga sheekadaydana lama dhagaysan, waxaan isku dayi doonaan inaan Madaxwaynaha arrinkaas iska aragno, inta aan iminka sheegayana warkaygu kuma dhama war badana waan sheegi doonaa, si aan waxyaabahaas dhacay wax uga toosin karo waxaan doonayaa inaan madaxda kala hadlo oo wixii khaldan ama aan tabanayo aan ka sheego, haddii se aan awood u waayo inaan Madaxwaynaha arko ama aan ku qancin waayo waxa iga maqan waxyaabo badan oo aan sheeganayo iyo hanti iga maqanbaa jirta, marka haddii aan wakhti u waayo dee daniba way odhan inaan warbaahinta ka sheego”.

Geesta kale waxa uu Baashe Cali Jaamac ka hadlay inuu ka sii mid ahaan doono xisbiga KULMIYE iyo in kale waxaana uu yidhi:

"Xisbiyada mucaaridka ahi ima shukaansan waxaanu aad u wadahadlnay Uurcadde, wuxuu igu yidhi inaan ku idhaahdo xisbigayaga soo gal kuugumaan imane waxaan kuugu arkay inaan dantii qaranka ka sii wada shaqayno oo aanad dalka uga tagin aniguna wan u cadeeyey inaanan ka tagayn, beeshaydana waxaan u sheegayaa inaynaan Somaliland ka tagayn heshiiskiina laga quusan, inuu heshiiskii midho dhalana lagu hawlan yahay”.