Milicsiga Jawaabtii Uu Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Ka Bixiyey Joojintii Sucuudiga Ee Xoolaha Somaliland Iyo Aamusnaanta Madaxwayne Siilaanyo Ee Maanta!

0
Wednesday December 14, 2016 - 11:42:32 in by Burco Office
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milicsiga Jawaabtii Uu Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Ka Bixiyey Joojintii Sucuudiga Ee Xoolaha Somaliland Iyo Aamusnaanta Madaxwayne Siilaanyo Ee Maanta!

    Hargeysa(AFKA)Dawladda Sucuudi Carabiya iyo qoyska reer Boqor ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay hakiyeen xoolihi Somaliland iyo soomaalida kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Dawladda Sucuudi Carabiya iyo qoyska reer Boqor ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay hakiyeen xoolihi Somaliland iyo soomaalida kale

ee dalkooda loo dhoofin jiray kadib markii xanuun laga helay sida ay sheegeen.


Hadaba waxaynu soo qaadan doonaa mawqifkii uu Madaxwaynihii hore ee Somaliland allah ha u naxaristee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka qaatay mar ay wakhtigiisii sidan oo kale u joojiyeen xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera.

Khudbad uu Madaxwayne Cigaal alle ha u naxariistee ka jeediyey 18-kii May sannadkii 2001-dii ayaa uu si cad uga hadlay go’aanka uu Sucuudigu ku joojiyey xoolaha Somaliland, waxaana uu dawladaha carabta ku sheegay qaar xaasid ku ah arsaaqadda dadkan reer Somaliland, sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay arrimaha diinta ee carabta lagu xidhiidhiyo, hadalkiisii wakhtigaasna waxaa ka mid ahaa:

"Dadkani (reer Somaliland) dad muslim ah weeye, ilaahaybay yaqaaniin nabigiisa ayay yaqaaniin, meesha ay u socdaan iyo waxay u socdaan ayay yaqaaniin (carabeey) na dhakri maysaan oo caalamka islaamka ayay ka mid tahay waxaanu ognahay ayaanu ugu dul qaadanaynaa islaamka daraadii, cadaawad, risiq xaasid ay risiqii ilaahay noo qoray xaasidayaan, xoolahayagii oo ay naga iibsan waayeen intaas oo dhan ayaanu diyaar ugu nahay inaanu ugu dul qaadano xadhiga ilaahay, markaa hana wareerinina ha ku kalifina inaanu idinka tashano, idiinma naqaanp, idiinma ogin, idiinma ictiraafsanin inaad diintayada ka masuul tihiin”.

Shaki kama taagna in maanta ay Somaliland ka xoog iyo xeeladba badan tahay maalintaas uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal carabta sidaas ula hadlay balse hadana may suuro galin in Madaxwayne Siilaanyo uu wax jawaab ah ka bixiyo aan ka ahayn inuu amray in lagu qanciyo Sucuudiga inay go’aankaas ka laabtaan iyo inay suuq kale xoolaheena u raadiyaan taasoo aan wakhti xaadirkan loo diyaarsanayn.