Abwaan Axmed Oo Daawaha Ka Soo Qaaday Maanso Lamagac Baxaday SIYAASI SILLOON

0
Friday December 23, 2016 - 12:56:17 in by Burco Office
  • Visits: 1809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Axmed Oo Daawaha Ka Soo Qaaday Maanso Lamagac Baxaday SIYAASI SILLOON

    Sabanka maalmaha yimaada Midiba sinji gaara yeelay "Hadduu shalay kuu samaaday "Maantana ku sangaagurreeyo "Adduun sumaddiisa weeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabanka maalmaha yimaada Midiba sinji gaara yeelay "Hadduu shalay kuu samaaday "Maantana ku sangaagurreeyo "Adduun sumaddiisa weeye

Qabyadu waa sawraceeda

Sagaal tiro dhiman ma buuxsho
Qofkana tobankiisa suuro
"Waxbay ka sitaan abbaarta
"Saakiyo shalay waxa isdoorshay
"Hadaba sikastooy ahaato
"Waxaan sixi diidaybaa ah
"Garaadkayguna saluugay
"Siyaasigan midab silloonka
"Sasabadiyo beenta qaawan
"Ku soof daran iyo habaabshay
"Kuwii sahankiisa dhawray
"Dhulkoo sabadii cadaatay
"So,dii ceelkuna fogaatay
"Miyuu kaymo seerma waydo
"Bulshada saawa saawe beegshay
"Saymiyo sahay li,i hilaadshay
"Dhaaxuu sabi qaday intiisa
"Iskii haqab li,i ku seexday
"Waxaa soomal haad dhacaaya
"Abaar iyo seben xumaaday
"Ninkaa igu sacab tumaaya
"Sandulle iiga dhigay dantiisa
"Inuu sad bursiimo gaadho
"Inaan ahay ruux sawaaban
"Ilaa amintii sitiinkii
"Anoo maandeeq sitkaaya
"Soomaalinimo u baaqay
"Ninkii isna saan caddaale
"U loogay sabool wax mooday
"Gumaysiga saan madawle
"Miyaan garan waayay suuli?

>>



W/Q Abwaan Ahmed M. Ibraahim