Gabriel Barbosa Oo Beeniyay Inuu Ku Biirayo Liverpool Isagoo Wacad Ku Maray Inuu Inter Isbaro

0
Sunday December 25, 2016 - 02:03:51 in by Burco Office
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabriel Barbosa Oo Beeniyay Inuu Ku Biirayo Liverpool Isagoo Wacad Ku Maray Inuu Inter Isbaro

    Gabriel Barbosa ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee la xiriirnaya inuu ku biiri doono kooxaha Liverpool iyo Las Plams wuxuuna xaqiijiyay in qorshihiisa koowaad yahay "Inaan halkaan ku sameeyo wixii aan ku sameeyay Santos".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabriel Barbosa ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee la xiriirnaya inuu ku biiri doono kooxaha Liverpool iyo Las Plams wuxuuna xaqiijiyay in qorshihiisa koowaad yahay "Inaan halkaan ku sameeyo wixii aan ku sameeyay Santos".

Da’yarkaan ayaa €29.5milyan oo pound ugu soo biiray bishii August kooxda Inter waxaana jiray malaayiin Nerazzuri ah oo mooday Luis Ronaldo uu u soo laabtay laakin xidigaan ayaa ku fashilmay inuu kamid noqdo shaxdii koowaad ee midkoodna macalin Stefano Pioli iyo ninkii ka horeeyay ee Frank de Boer inkastoo ay jiraan arimo siyaasadeed oo u xiran waqti ciyaareedka xidigaan.

Barbosa, oo aad loogu yaqaano Gabigol, ayaa shegay iney ka go’an tahay inuu guul ku gaaro Serie A wuxuuna yiri "Waxaan halkaan joogay kaliya sadex bilood, sidaasi darteed waxaan u baahanahay waqti aan ku saldhigto kooxda, magaalada, cimilada iyo dhaqanka Sports ee wadanka” sida lagu daabacay Goal.


 

"Aad ayaan ugu faraxsanahay Inter, sida cad waxaan rajeynayaa inaan helo waqti ciyaareed badan laakin waan ku faraxsanahay inaan halkaan joogo waxaana rajeynayaa in dulqaadkeyga la igu abaalmariyo, waxaan u tababartaa maalin waliba si aad ah si aan u sameeyo horunar, maalin waxaan dareemaa inaan deegaan ahay”.

"Qorshaha koowaad waa inaan joogaa Inter oo aan halkaan ku muujiyo astaanteyda si lamid ah sidii aan ugu sameeyaySantos.” ayuu yiri da’yarkaan.

Barbosa ayaa sidoo kale meesha ka saaray in qaab ciyaareedkiisa kubadeed uusan ku soo baxeyn Italy wuxuuna yiri "Dad badan waxay ka hadlaan wax aanan jirin oo qashin ah, waa run kubada talyaaniga wey ka duwan tahay midi aan aqaanay laakin waxaa halkaan jooga ciyaartooy khibrad leh oo mudo soo joogay halkaan oo diyaar u ah iney i caawiyaan, maalin waliba waxbaan ka bartaa, ma jiro ciyaariyahan yimid Serie A oo hadana horay kaga soo dhex muuqday shaxda koowaad, kubada talyaaniga ah waa kubad ka duwan kuwa kale, tusaale ahaan halkaan kama jirto inaan daafac kasoo qaado kubada oo aad si degdeg ah weerarka ku gaarsiiso, sidaasi darteed waa inaan la qabsadaa kubada wadankaan”.