Tababare Arsene Wenger Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa Oo Uu Ku Jiro Shkodran Mustafi.

0
Friday December 30, 2016 - 02:35:10 in by Burco Office
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Arsene Wenger Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Kooxdiisa Oo Uu Ku Jiro Shkodran Mustafi.

    Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawacyada kooxdiisa ee ka hor kulanka ay kooxdiisa Gunners axada la ciyaari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawacyada kooxdiisa ee ka hor kulanka ay kooxdiisa Gunners axada la ciyaari

doonto kooxda Crystal Palace. Wenger ayaa xaqiijiyay inShkodran Mustafi uu dib uu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa isla markaana uu diyaar u yahay kulanka Crystal Palace.

Mustafi ayaa ku dhaawacmay klankii Stoke City ee ay Arsenal 3:1 guusha ku gaadhay wuxuuna seegay saddexdii kulan ee ugu danbeeyay oo kala ahaa Everton, Manchester City iyo West Brom.Sidoo kale waxaa tababarka Gunners ku soo laabtay isla markaana taam ahaanshahooda ka shaqaynayaDanny Welbeck iyo Alex Oxlade-Chamberlain.


Wenger oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:” Gibbs arbacadii ayuu baadhitaan maray , laakiin kaliya waxa uu muujiyay barbar, waxaan ku rajo waynahay in uu noqdo dhaawac waqti gaaban ah. Danny Welbeck wax fiican ayuu tababarka ka samaynayaa, sidaa daraadeed waxaanu haysanaa doorashooyin badan. Theo Walcott wali wuu si maqnaan doonaa.