Dhaliilaha Ku Gedaaman Ansixintii Miisaaniyadda Iyo Talooyinka La Soo Jeediyey Ee Ay Xildhibaanadu Iska Indho-tireen.

0
Tuesday January 03, 2017 - 12:29:29 in by Burco Office
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaliilaha Ku Gedaaman Ansixintii Miisaaniyadda Iyo Talooyinka La Soo Jeediyey Ee Ay Xildhibaanadu Iska Indho-tireen.

    Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa shalay cod aqlabiyad ah u ansixiyey miisaaniyadda qaranka oo maalmihii u dambeeyey horyaalay golaha, taas oo cidiba ka doodin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa shalay cod aqlabiyad ah u ansixiyey miisaaniyadda qaranka oo maalmihii u dambeeyey horyaalay golaha, taas oo cidiba ka doodin.

Xildhibaanada golaha Wakiiladda ayaa buuq ka dhashay ka dib markii xildhibaanadda qaarkood soo jeediyey in duuduub lagu ansixiyo, halka qaar kale soo jeediyeen in laga doodo miisaaniyadda ama dib loo celiyo.

Fadhigan golaha oo uu shirgudoomineyey gudoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa golaha hor dhigay in miisaaniyadda laga doodo iyo in duuduub lagu meel mariyo, waxaana xildhibaanaddu intoodda badan soo jeediyeen in duuduub lagu ansixiyo, taas oo keentay inuu buuq ka dhasho.

 

Gudoomiyaha golaha oo natiijada codeynta ku dhawaaqayey ayaa sheegay in 43 xildhibaan ogolaadeen in duuduub lagu ansixyo, halka 17 qofna diideen, lix mudana ka aamuseen.
Waxay noqonaysaa Miisaaniyaddii ugu horeysay ee si duuduub ah loo ansixyo,iyadoo laga doodin, waxaana barigii hore xildhibaanaddu wax ka bedel iyo kaabis ku samayn jireen qaabka loo soo qorsheeyey miisaaniyadda, taas oo laga doodi jiray ka dibna wasiirka Maaliyadda su’aallo laga waydiin jiray, haseyeshee doorkan ma jirin.

Miisaanidda sanadkan 2017 ayaa la sheegay inay dhan tahay $362,517,393 dollar, waxaana la sheegay in miisaaniyaddii sanadkii hore ka badan tahay 27.5% tii sanadkii hore.

Guddida Dhaqaalaha,Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa aragtay soona deristay Odorska Miisaaniyadda Qaranka ee 2017 isla markaana kulamo kala duwan la yeelatey qeybaha aan sare ku soo xusney, waxay soo jeedinaysa Qodobadan Hoos ku Xusan:-

In Dhamaan Ceelasha laga qodayo dalka la hoos geeyo Wasaaradda Khayraadka Biyaha.
In ay Guddida Dhaqaalahu ku daba gasho lacagaha ay World Bank ku caawinayaan Golaha Wakiilada, Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawlada ee kala duwan Jsl.

In Cid walba oo qaadatay Mashaaricda qodista Riigaga lagu daba galo laguna Xisaabtamo.
In Wasaarad waliba so gudbiso Deeqaha ay ka helan Hay’addaha laguna daro Miisaaniyadda Qaranka.
Go’aanadda Guddida:-
Guddidu waxay Go’aan Guddi ku gaadhay Qodobadan Soo socda:-
In lacagta loogu talo galay Laabka (Mishiinka Shaybaadka) ee ku jirta Wasaaradda Caafimadka lacagtaas oo dhan 4,800,000,000 Sl Shilling lagu Wareejiyo Hay’aada Illaalinta Tayada (Quality Control).
In Lacagta Kaalmada ah ee loogu talo galay Ururka Saxaafada SOLJA Lacagtaas oo dhan 300,000,000 Sl Shilling ah la hoos geeyo Wasaaradda Warfaafinta iyad oo la raacayo habraaca Maamulka, Xisaabadka Iyo Maaliyadda Qaranka JSL.

In Lacagta Kaalmada ah ee loogu talo galay Guddida Wanaagfarista iyo Xumaan rebista lacagtaas oo dhan 700,000,000 Sl Shilling la hoos geeyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyada oo la raacayo habraaca Maamulka, Xisaabadka Iyo Maaliyadda Qaranka JSL.

In Lacagta Kaalmada ah ee loogu talo galay Dalada Dhalinyarada SONYO lacagtaas oo dhan 300,000,000 Sl Shilling la hoos geeyo Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyada oo la raacayo habraaca Maamulka, Xisaabadka Iyo Maaliyadda Qaranka JSL.

In Lacagta Kaalmada ah ee loogu talo galay Dalada Naafada Qaranka lacagtaas oo dhan 400,000,000 Sl Shilling la hoos geeyo Wasaaradda Arimaha Bulshada iyada oo la raacayo habraaca Maamulka, Xisaabadka Iyo Maaliyadda Qaranka JSL.
In Lacagta Kaalmada ah ee la siiyo Uruurka Dhakhaatirta lacagtaas oo dhan 300,000,000 Sl Shilling lagu wareejiyo takulada Gurmadka abaaraha.

In Lacag dhan 900,000,000 (Sagaal boqol oo Milyan) loo qoondeeyo Iskuulka Farsamadda Gacanta ee Haldoor lacagtaasna laga jarayo Kharashka basaaboorka laga qaado.

Ballse talooyinkaas iyo go’aanadaas ayaa ay xildhibaanada golaha wakiiladu iska indho tireen iyadoo xildhibaanada muxaafidka ahi ay guddoomiyaha golaha wakiilada ku eedeeyeen inuu isagu lugta qabanayo ansixinta miisaaniyadda, ugu dambayna miisaaniyadan ayaa la ansixiyey iyadoo aan hal qodob laga bedelin waxna lagu darin.