BAAQ DIBU DHIGIS DOORASHO W/Q cabdifataax baashiir

0
Thursday January 05, 2017 - 18:09:37 in by Burco Office
  • Visits: 1129
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAQ DIBU DHIGIS DOORASHO W/Q cabdifataax baashiir

    KU: Asxaabta Qaranka (Waddani,Kulmiye,Ucid) KU: Gudida Doorashooyinka Qaranka (NEC) KU: Golayaasha Qaranka (Wakiilada,Guurtida) KU:Xukuumada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KU: Asxaabta Qaranka (Waddani,Kulmiye,Ucid) KU: Gudida Doorashooyinka Qaranka (NEC) KU: Golayaasha Qaranka (Wakiilada,Guurtida) KU:Xukuumada Somaliland. BAAQ DIBU DHIGIS DOORASHO:-
——-
.
Waxaan La Wada Soconaaa Xaalada Abaareed Ee Dalku Marayo Waxaan Baaq udirayaa Dhammaan Haayadaha Kor Ku Xusan Inay Qaataan Go’aan Ah Inaan Wax Doorasho ah la Qaban Karin Maadaama Ay Abaartu Marayso Halkii Ugu Xumayd,
.
Dhammaanteen waxaa Inoo Muhiima inaga Oo Ixtiraamayna Islaanimada,Bani aadanimada, Iyo Somallandernimada Inaynaan Geli Karin Doorasho,
.
Waxaan Caqliga Fiyow Aqbali karin iyadoo muwaadiniinti Haraaf iyo Gaajo Udhimanayaan inaynu Baratano oo olole Galno,
.
Saadaasha iyo Jawiga oo ah Midaan Xilli Roobaadkii Joogin Haddana Hawl Doorasho ina sugayso, Waxaa Maanta Inoo Muuqda Duruufihii Sharciga ahaa Ee Muddo Kordhinta Lagu Samayn Lahaa Inatay Doonto Ha ahaatee,Sidaa Daraadeed Maanta Maalin Aynu Doorasho Galna Maahee, Waxaynu Caawinaynaa Muwaadiniinteena Tabaalaysan.