Nuxurka Khudbad Uu Musharax Cirro Ka Jeediyey Madal Oo Xisbiga WADDANI Ku Qaabilay Taageerayaal Masuuliyiin Ku Biiray Maanta Iyo Radi Hargeysa Oo UU Duray

0
Thursday January 05, 2017 - 18:14:38 in by salman abdi
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Khudbad Uu Musharax Cirro Ka Jeediyey Madal Oo Xisbiga WADDANI Ku Qaabilay Taageerayaal Masuuliyiin Ku Biiray Maanta Iyo Radi Hargeysa Oo UU Duray

    Hargeysa(AFKA);Nuxurka Khudbad Uu Musharax Cirro Ka Jeediyey Madal Oo Xisbiga WADDANI Ku Qaabilay Taageerayaal Masuuliyiin Ku Biiray Maanta Iyo Radi Hargeysa Oo UU Duray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Nuxurka Khudbad Uu Musharax Cirro Ka Jeediyey Madal Oo Xisbiga WADDANI Ku Qaabilay Taageerayaal Masuuliyiin Ku Biiray Maanta Iyo Radi Hargeysa Oo UU Duray

Mahad-naqa

Waxaan umahad-naqayaa guddiyadi wadda haddalka ee garabka aqlabiyad Xisbiga UCID iyo xisbiga WADDANI oo inuu suurtageliyey inuu heshiis dhaco madashana aynu iskugu nimaadno, dhammaan xubnahaasi waan umahad-naqayaa, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa guddidii qaban-qaabada ee xafladan sida wanagsan loo soo bilay inuu suurtageliyey, waxa kale oo aan soo dhaweynayaa anniga oo ku haddlay magaca Xisbiga WADDANI,dhammaan bahweynte garabka aqlabiyada Xisbiga UCID oo halkan ay marayaan siyaasiyiintii dhalinyaradii iyo haweenkii oo maanta go’aansaday in ay cududooda iyo caqligooda iyo waayo arragnimadooda iyo dhaqaalahooda ay ku soo biiriyaan xisbiga WADDANI si qaranka Somaliland loo bad-baadiyo, waxaan illaahay ka baryayaa inuu abaaraha inaga soo jebiyo oo uu madar khayr-qabana ina siiyo

Kaanbaynka Iyo Ollolaha KULMIYE.

Labadii bilood ee ugu dambeeyey waxaad qalabka kala dwuan ee war-baahinta aad ka arkayseen in xisbiga KULMIYE iyo wasiirada xukuumada KULMIYE, ay ku jireen kaanbayn ollole, waxaad moodaysa in aanay idhahoogu arkaynin abaaraha dalka ka jira ee sii xumaanaya, waxaan soo jeedinayaa in ay idhaheenu usoo noqdaan dalka dhibaatada haysata iyo abaarta haysata oo aad modo haddii aan illaahayn inaga soo gaadhin in ay macaluul isku badelayso oo dadku dhinto, waxaanu ugu baaqaynaa shacabka reer Somaliland, xukuumadda iyo asxaabta qaranka iyo beesha caalamkaba in shacabka loo soo gurmado, abaartu wey sii xumanaysaa, gurmada ayey u baahanyihiin shacabku.

Arrimaha doorshada.

Xisbiga WADDANI wuxuu u arrkaa in ay waajib tahay in la dhiso oo la sameeyo garoon loo simanyahay oo kubada lagu ciyaaro, waxa waajib ah in muwaadin kasta oo xaq u leh inuu cod bixiyo uu hello kaadhkiisa uu ku codayn lahaa, xisbiga WADDANI wuxuu diyaar u yahay doorasho u dhacda si xalaal ah oo xor ah.

Ollolaha doorashada waxaan soo jeedinaynaa in aynu wakhtigiisa la sugno oo gurmadka ka horaysiino.

Arrimaha Salaadiinta Iyo Erayga mahad-naqa ah ee Ka Yidhi Musharax Cirro.

Waxaan aad uga mahadnaqaynaa isku daygoodii ay isku dayeen in ay isku soo dhaweeyeen asxaabta qaranka.

Amniga Qaranka

Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisa waxa ka go’an in ay ka shaqeeyaan oo ay illaaliyaan sharciga iyo amniga qaranka, waxaanu sidaas oo kale u soo jeedinaynaa ciidamada qaranka inay ku sugaan amaanka in ay u noqdaan dhexdhexaad axsaabta iyo shacabka oo aanay ku milmin arrimaha siyaasada.

 

Radio Hargeysa

Waxaad maqasheen in dalka Rwanda la yidhaa lagu xasuuqay hal milyan oo qof, waxa sabab u ahaa Radio ku yaala caasimadooda, Radio Hargeysa maanta wuxuu u eegyahay Radio-gii dadka xasuuqay, waxa ka socda borobagaandhe, waxa ka socda been abuur, waxaanu madaxweynaha u soo jeedinaynaa in haddalka aan leeyahay la qaato maaha, lakiin waa in arrintaa la baadho oo la eegaa oo la dhegeystaa oo barmaamij-yadiisa la eegaa, ma kuwo qaranka dhisayaa, mise waa kuwo qaranka duminaya ? waa kuwo qaranka duminaya, aad ha loo eego.

Waxa lagu masruufaa cashuurta iyo cashuur bixiyaha reer Somaliland, islaanta tamaandhada iibisaa lacagta ay bixiso ayaa lagu masruufaa Radio Hargeysa iyo Tv-ga qaranka, waa inuu shacabka u edeegaa, waan aan laga siidayn borobagaadhno iyo cuqdad iyo been aan laga soo dayn.

Soo Dhawynta Heshiiska Garabka UCID Iyo Xisbiga WADDANI.

 

Waxaan si lixaadle u soo dhaweynayaa heshiiska dhexmara garabka aqlabiyad xisbiga UCID iyo xisbiga WADDANI oo ay kaga qayb-gelayaan hoggaanka Xisbig, fulinta, golihiisa dhexe iyo dhammaan qaab dhismeedka Xisbiga haddii ay tahay dalka gudihiisa iyo haddii ay tahay dalka debadiisa, waxaan aad ugu mahad-naqayaa raga iyo hablaha qiimaha leh, waxaanu leenahay si qalbi furan iyo gacma furan-ba ku soo dhawaada, waxaan u mahad-naqayaa cid kasta oo ka soo qayb-gashay munaasabadan, waxaan u mahad-naqayaa saxaafada Somaliland.

 

 

 

 

Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI

Xafiiska Hargeysa