7 Sano Kadib Xukuumadii Aynu Dooranay Qasaarihii Ka Dhashay W/Q Maxamed Cismaan

0
Monday January 09, 2017 - 15:00:53 in by Burco Office
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 Sano Kadib Xukuumadii Aynu Dooranay Qasaarihii Ka Dhashay W/Q Maxamed Cismaan

    Waxaa in muddo ah lala tacaalayay abaarta soo xoogaysanaysa ee samaysaysay dadka iyo duunyada, waxaynu ogsoonahay inuu dalka marayo xaalad adag balse aan aaminsanayn in kamid ah bulshada ku dhaqan jamhuuriyada somaliland xaalada dalkan uu marayo inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa in muddo ah lala tacaalayay abaarta soo xoogaysanaysa ee samaysaysay dadka iyo duunyada, waxaynu ogsoonahay inuu dalka marayo xaalad adag balse aan aaminsanayn in kamid ah bulshada ku dhaqan jamhuuriyada somaliland xaalada dalkan uu marayo inay tahay mid adag sababtayna dhimasho dad iyo xoolaba. Xisbiga kulmiye waqtigii uu talada dalka la wareegay, dalka waxuu ku sugnaa xalad degan sida sixir barar la’aan iyo nolol iska caadi ah, bulshada inta hosaysa. Inta dhaxe iyo inta saraysana ay ahayeen kuwa xaaladooda nololeed ay wanaagsantahay balse maanta dadkii ay u qaybsameen dabaqad sare iyo mid hoose. Hadaynu tusaale kusoo qaadano waqtigii uu talada dalka la wareegay xisbiga kulmiye sarifka lacagta shilinka somaliland waxuu marayay 600.000shsl halka uu maanta marayo 850.000shsl waqtiga lagu jiro waa waqti abaar xun ay dalka ragaadisay bulshada 

dabaqada hosaysa ma hesho wax gar gaar bini aadanimo sid hay’addihii ku hawlanaa gar gaarka bini’aadanimo waxaa loo samaystay sanduuq lagu sheego sanduuqa horamarinta horumarka jamhuuriyada somaliland oo ay maamulaan xubno aan ka warhayn xaalada dalkan loo baahanyahay in lagaga samata saaro darxumada iyo macaluusha soo wajahday. Waxaynu lahayn ururo ka qayb qaata shaqa abuurida loo baahanyahay in dalkan lagu 

horumariyo, kuwasoo ay ka hawl gali jireen dhalinyaro lagu qiyaasay 20.000 oo dhalin yara ah halka maanta ay yihin kuwaasi kuwa dalka ka tahriibay oo ay badankoodii bada cuntay iyo kuwa dalka ku dar xumaysan. Waxaynu TV yada ka daawanay maalma dhawayd wasiir leh ganacsatada dadkooda ha u turaan isagoo ula jeeday maciishada ay keenayaan ganacsatada qiimaha haka jabiyaan. In badan oo kamid ah bulshada qaybaheeda kala duwan waxay is waydiyeen wasiirkaas miyuusan la socon wasaarada maaliyada wararka kasoo baxaya ee ah sixir bararka sii xogaysanaya oo ah. 

Wasaarada waxay sheegtay in misaaniyadii dalka kordhisay 27.5% waxaana laga doonayaa kororka misaniyadaa ganacsatada iyo masaakiinta jilicsan inay bixiyaan lacagtaa sii kordhaysa canshuurta waxay noqoto iyadoo aan loo egaynin abaarta dalka waqtigan ka jirta. Waxaan kaloo shalay oo ay taariikhdu 08/01/2017 ahayd TVyada ka daawanay xisbiga kulmiye oo ka cadhaysay hadaladii kasoo baxay komishinka doorashoyinka qaranka oo leh qabsoomida doorashada waqtigeeda waxaa laga yabaa inay dib uga dhacdo halka xisbiyada kale ay gar waaqsadeen hadalada kasoo baxay komishinka doorashooyinka qaranka. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa wasaarada maaliyada intaysan samayn 

kororka miisanayada inay siminaar u qabato wasaaradaha kale, si samaynta ay ku yeelanayso bulshada kororka misaniyada ay ula socdaan, Xisbiga kulmiyena waxaan tala ahaan usoo jeedinayaa kal gacaylka la idin qabo ha iska xumaynine ee muujiye dareenkiina ku aadan doorashada, dareenkaasoo ah dadkan oo sidan ahi ma qabno inay doorasho dhici karto idinkoo ka faa idaysanaya mucaaradkan idinkula garab taagan inaad dalkan xisbi ahaan sii haysataan.