Deg Deg;Ammison Oo 25 Neef Oo Gela Ku Dishay Deeganada Konfurta Somaliya.

0
Monday January 09, 2017 - 17:02:34 in by salman abdi
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg;Ammison Oo 25 Neef Oo Gela Ku Dishay Deeganada Konfurta Somaliya.

    Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeelada Hoose ayaa qirtay in 25 neef oo geel ah ay ciidamadoodu ku dileen gobolkaas ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen kolonyo ka tirsan ciidankooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeelada Hoose ayaa qirtay in 25 neef oo geel ah ay ciidamadoodu ku dileen gobolkaas ka dib markii maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen kolonyo ka tirsan ciidankooda. Afhayeenka u hadlay AMISOM oo lagu magacaabo Joe Kibet ayaa sheegay in rasaastii labada dhinac ay is-weydaarsadeen ay sababtay geerida ku timid xoolahan oo sugnaa deegaanka Wareer-Maleh oo ku dhow degmada Baraawe.

"Iska hor-imaadkan oo waqti qaatay awgeed ayey ka dhalatay arintan ,waxaana dhaawacmay afar neef oo kale " ayuu yiri Kibet oo tilmaamay in xoolahan ay daaqayeen goobta ay ka dhacday is-rasaasayntu.

Waxaa uu sheegay in laba ka tirsan ciidankooda lagu dhaawacay weerarkan oo sida uu sheegay ahaa mid ay Al-shabaab u adeegsatay qaraxyo,waxaana uu xusay in dadka deegaanka ay kala hadlayaan sidi xal looga gaari lahaa arinta dhacday.

Somalia oo ka soo kabanaysa colaado sokeeye ayaa dhaqaale badan ka hesha dhoofinta xoolaha nool ,iyadoo dadka ku nool Soomaaliya ay 65% yihiin dad xoolo dhaqata ah,waxaana sanadkii 2011-ka dalka laga dhoofiyay xoolo gaaraya afar Milyan oo neef sida lagu sheegay xog ururin ay samaysay hay’adda FOA.

Ugu danbayn, Ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale ugu lug yeeshay dhacdooyin caynkan oo kale ah ,waxaana la is-weydiinayaa in ay mag dhow ka bixin doonaan xoolahan iyo in kale ,iyadoo Somaalida ay kamid yihiin dadka ugu xoolaha jecel caalamka.