Abaarta Gobolada Bariga Oo Ka Sii Dartay, Hal Qof Oo Gaajo Oo U Geeriyooday Iyo Guddigii Abaaraha Oo La Baafinayo

0
Tuesday January 10, 2017 - 11:07:47 in by Burco Office
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaarta Gobolada Bariga Oo Ka Sii Dartay, Hal Qof Oo Gaajo Oo U Geeriyooday Iyo Guddigii Abaaraha Oo La Baafinayo

    Hargeysa(AFKA)Abaarta ka jirta deegaanada bariga Somaliland ayaa maraysa halkii ugu xumayd, waxaanay wararku sheegayaan inuu hal qof uu gaajo iyo haraad ugu geeriyooday deegaanka Kala-jeex ee Gobolka Saraar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Abaarta ka jirta deegaanada bariga Somaliland ayaa maraysa halkii ugu xumayd, waxaanay wararku sheegayaan inuu hal qof uu gaajo iyo haraad ugu geeriyooday deegaanka Kala-jeex ee Gobolka Saraar.

Ruuxan u geeriyooday abaarta silica iyo darxumada ayaa ahayd gabadh yar oo aanay qoyskeedu muddo dhawr iyo toban maalmood ah waxba karsan, waxaana sidaas kala siman qoyska intiisa kale oo iyaguna aan naf ku noolayn.

Aabaha dhalay gabadhan yar ee geeriyootay oo ka warbixiyey geerida inantiisa iyo xaaladda qoyska ayaa waxa uu yidhi:

"Magacaygu wa Maxamuud Xuseen Cali, inanta magaceeduna waa Fanax Maxamuud Xuseen, reerkaas inta kalena saali maaha, duunyadu waa finish dadkiina waa la mid, ninkanina waa Gurey Ducaale Axmed oo aan adeer u ahay oo walaalkay dhalay, isagana duunyadiisii iyo dadkiisii waa kuwaa xaaladdu waa xun tahay, dadkana harraad ayaa ugu daran iyo cunto la’aan”.

Sidoo kale haweenay ka mid ah qoyska ay gabadhan yari ka geeriyootay ayaa warbixin naxdin leh siisay warbaahinta kadib markii ay sheegtay in ilmo yar oo ay dhabarka ku siday aanu laba maalmood waxba cunin, waxana ay tidhi:

"waxaan lahaa kontomeeyo adhi ah markii hore wuu wacnaaba, ka bacdina wuu xumaaday oo wuu baxay oo warba ma leh, hadeer dhawr iyo toban habeena, marna islaamka ayaa wax na siiyey iminkana bakhti ayaanu taaganay, dhawr iyo toban habeen waxba maanaan karsan gaajo ayaanu u bakhtiyayna waxayaguba kala darnin ilmahan yari shalay iyo maanta waxaan naas ahayn muu cunin”.

Dhinaca kale waxaa deegaankaasi gaadhay qaar ka mid ah guddiga abaaraha gobolka Saraar oo uu hor kacayo guddoomiyaha guddiga Khaliif Ismaaciil Saleebaan waxaanay qoyskaas tabaalaysan gaadhsiiyeen raashin iyo cunto laga soo ururiyey dadwaynaha magaalada Wadaamagoo si ay maalmmaha soo socda ugu noolaadaan, mar uu ka hadlayay xaaladdu halkay marayso ayaa guddoomiyaha guddiga abaaraha ee gobolku waxa uu yidhi:

" gurmadkayagu waxa uu ahaa reerkii qofka dhintay uu ka baxay oo Guban degen, markii aanu is nidhi iyagii soo eega, wadadii waanu mari kari waynay oo dadkii kale waxay noqdeen wax ka sii liita waar ninkii islaam ahoow dadka wixii lagu dhaamo hala soo taro, booyadda halkan taagan ee aanu dadkan u keenay waxaanu ka soo ururinay Wadaamagoo,anagu shidaalka ayaanu ku soo shubnay ninka gaadhiga lihina gaadhiga ayuu ku tabarucay, waxaa halkan yaalla galaamo raashin ah oo aanu magaalada ka soo ururinay”.

Maaha markii ugu horaysay ee ay abaarta gobolad bariga dad u geeriyoodaan hase yeeshee waxa xusid mudan in maalinba maalinta ka dambaysa xaaladdu sii adkaanayso, mana jiro wax qorshe ah oo loogu gargaarayo dadkaasi tabaalaysan ee abaaruhu saameeyeen.

Guddigii gurmadka abaaraha ee heer qaran oo uu Madaxwayne kuxigeenku guddoomiye ka yahay ayaa la raadinayaa meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, sidoo kalena xukuumadda Somaliland oo ilaahay ka sakow dalkan masuulka ah ayaa laacdan kula jirta xisbiyada mucaaridka ah iyadoo arrinka ugu wayna uu yahay doorashooyin iyo arrimo la xidhiidha, mana jirto cid dan iyo muraad ka leh maatida dhimanaysa iyo xoolaha dabar go’aya.