Wasiirka Maaliyadda Oo Guddiga Abaaraha Ku Wareejisay Lacag Dhan $500,000 Oo Xukuumadda Ku Baaqi Aha.

0
Friday January 13, 2017 - 11:06:00 in by salman abdi
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda Oo Guddiga Abaaraha Ku Wareejisay Lacag Dhan $500,000 Oo Xukuumadda Ku Baaqi Aha.

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay si rasmi ah ugu wareejisay Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Guddida Abaaraha $500,000, taas oo kaga hadhsanayd $500,000 oo laba todobaad ka hor ay dawladu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay si rasmi ah ugu wareejisay Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Guddida Abaaraha $500,000, taas oo kaga hadhsanayd $500,000 oo laba todobaad ka hor ay dawladu ku wareejisay gudidaasi, isla markaana lacagta ay xukuumadu ay guddida taakulaynta abaaraha gaadhsiisay ka dhigaysa marka la isku geeyey hal malyan oo doollarka Maraykanka ah.

Munaasibadda lagula kala wareegay lacagtaasi ayaa iyadu shalay ka qabsoontay xarunta baanka dhexe ee Somaliland, taas oo ay ugu horayn halkaasi ka hadashay Wasiirka maaliyadda Marwo Samsam oo iyadu sheegtay inay ka xukuumad ahaan marwalba diyaar u yihiin inay si mugleh uga qayb-qaataan abaaraha dalka saameeyey, isla markaana waxay wasiiradu u mahadnaqday dhamaan

shirkadaha iyo muwaadiniinta ka qayb-qaatay gurmadka abaaraha oo ay u ducaysay.

 




Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah guddida taakulaynta abaaraha, kaas oo xukuumadda ugu mahadnaqay doorka muuqda ee ay ka qaadanayso gurmadka abaaraha dalka ka dhacay, isla markaana waxa uu xukuumadda ugu baaqay in marwalba gurmadka ugu badan iyaga looga fadhiyo.

Sheekh Maxamed Aadan waxa kale baaq u diray ganacsatada dabaqada dhexe ee Somaliland oo uu sheegay inaanay iyagu wali kaalintoodii ka qaadanin abaaraha dalka ka taagan, kaas oo u soo jeediyey inay ka qaybqaataan gurmadka loogu jiro samato-bixinta dadka abaaruhu ku habsadeen.

Ugu horayn Wasiir Samsam oo ka hadlaysa lacagta ay ku wareejisay guddida abaaraha ayaa waxay hadalkeeda ku bilawday "Halkan waxaanu ku wareejinaynaa lacag $500,000 ah oo aanu markii hore u balanqaadnay hal malyan oo doolar, markaa xukuumad ahaan waxaanu islahayn markii hore halka malyan ee doolar lacagta Somaliland ka dhiga oo ku siiya balse lacagtu way is dhimaysaa maadaama oo uu doolarkii sare u yar kacay isla markaana waxaanu go’aansanay inaanu doolar ahaan ugu wareejino guddida taakulaynta abaaraha , markaa imika $500,000 baanu siinnay, isla markaana intaa aanu maanta bixinay in leegna laba todobaad ka hor ayaanu ku wareejinay guddida abaaraha oo lacagta aanu markaa imika gaadhsiinay xukuumad ahaan guddida abaaruhu waa hal malyan oo doollar”.

Sheekh Maxamed Aadan oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Halkii malyan ee doolar ee ay xukuumadu balan-qaaday oo aanu hore uga gudoonay $500,000 imikana aanu intii kale ka gudoonay way nasoo gaadheen oo imika lacagta ay xukuumadu na soo gaadhsiisay isku gayn waa hal malyan oo doollar. Mida kale xukuumadu waxay hore ka gudi ahaan noogu balanqaaday inaanay waxba hagranaynin oo ay markasta sidaa noo barbar joogi doonaan Insha Allaah, waananu uga mahadnaqaynaa kaalintoodaasi oo dadaal badani wuu jira xaga dawladda iyo xaga ganacsatada waawaynba oo iyagu wax nasoo gaadhsiiyey, laakiin ganacsatadii dhexe wax hagaagsan iyaga lagama hayo ilaa imika. Markaa wasiir Samsam waanu uga mahadnaqaynaa oo iyadoo wasiirkii maaliyadda ah ayey hadana ka mid tahay xubnaha ugu firfircoon guddida abaaraha oo iyadoo safar xalay kasoo gashay ayey hadana maanta-na sidaas u shaqaynaysaa Ilaahay ha ka abaal-mariyee”.

Dhinaca kale Wasiirka maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Sheekh Maxamed Aadan ayaa shalay waxay soo kormeereen saddex booyadood oo aad u waawayn isla markaana ay soo iibiyeen guddida taakulayntu abaaruhu oo shalay soo gaadhay magaaladda Hargeisa, kuwaas oo loogu talo-galay inay ka qaybqaataan gurmadka lagu waraabinayo dadka abaaruhu ku habsadeen, waxaanay sheegeen inay saddexdan booyadood oo ah kuwo ay toos uga soo iibiyeen wakaaladii samaysay inay ka mid yihiin baabuurta loogu talo-galay in lagaga hawl-galo waraabinta bulshadda tabaalaysan.