Daawo: Dawladda Sudan Oo Qabatay Tirobadan Oo Somali Tahriibayaal Ah.

0
Saturday January 14, 2017 - 10:56:04 in by salman abdi
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dawladda Sudan Oo Qabatay Tirobadan Oo Somali Tahriibayaal Ah.

    Dawaldda Sudan ayaa u diyaarisay Ciidan u gaar ah oo ladagaalama Tahriibayaasha tirada badan ee dalkeeda soo mara ciidankan oo looyaqaanno RRU ayaa ku dul wareega saxaraha Suudaan iyaga badhtilmaameed kadhigta waddooyinka ay badanaa soo maraan Tahrii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawaldda Sudan ayaa u diyaarisay Ciidan u gaar ah oo ladagaalama Tahriibayaasha tirada badan ee dalkeeda soo mara ciidankan oo looyaqaanno RRU ayaa ku dul wareega saxaraha Suudaan iyaga badhtilmaameed kadhigta waddooyinka ay badanaa soo maraan Tahriibaaashu.

Dadka wax Tahriibiya ayaa isticmaala waddadan si ay usoo tahriibiyayaan dadka Somalida ah iyo jinsiyadaha kale ee u safraya Yurub.

Kooxdan Tahriibayaasha Somalida ah ayaa lagu qabtay Xadka ay Sudan la leedahay Libiya , managaranayaan dhamaantood waxa ku dhici kara inta ay safrayaan.

Waxay sheegeen inay kacararayaan xaaladda macaluusha iyo dhibta leh ee kajirta dalkooda, arrintanina ay tahay midda kaliya ee ku qasabtay inay dalkooda ka hayaamaan oo ay u



tahriibaan Yurub.

 

"Waxaannu soo marnay waddo dheer oo daal iyo dhib badan intaannu usoo soconnay xadka Liibiya , annaga oo qabna rajada kaliya ee ah inaanu gaadhno Yurub, si aannu u helno nolol wanagsan”Waxa sidaa yidhi wiil Somali ah oo kamida tahriibayaasha

"Waxaannu soo galnay safar halis badan oo dhibkiisa leh , waxaanu sidoo kale diyaar u nahay inaanu dhib nooc kasta leh marno si aannu gaadhno Yurub”Waxa sidaas yidhi Gabadh Somaliyad ah oo kamid ah Tahriibayasha

Ciidanamada Dawladda Sudan ee looyaqaanno Rapid Re action Unit (RRU) ayaa bad baadiyay In kabadan 1,500 oo tahriibayaal ah shantii bilood ee u danbeeyay, laakinse dawladda Sudan ayaa sheegay inaanay u haynin dhaqaale ay marwalba uga hortagi lahaayeen tahriibayasha kusii qulqulaya Yurub.

Sudan ayaa wajahaysa xaaladda dhaqaale darro ah , iyada oo latacaalaysa sidii ay uga soo kaban lahayd xaaladda dhaqaale xumo ee kasoo gaadhay kalaqaybsanka dalka sudan iyada oo lakulantay hoos u dhac dhaqaale oo laxidhiidha sadex meelood oow meel saliiddii shidaalka ahayd ee ay u dhoofin jirtay dalka dibadiisa 5 sano kahor.

" Waxaannu diraynaa farrin cad inaanu diyaar u nahay sidii aannu ula dagaalami lahayn tahriibayaasha ka gudbaya xad kayaga balse uma haynno dhaqaale iyo taageero nagu filan oo aannu kula dagaalami karno, gaar ahaan wax taageera ah nagama soo gaadhan Dawladaha Yurub ee aannu xayndaabka u nahay”Waxa sidas yidhi midkamida ciidanka Sudan

Wasaarradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dartay Sudan 27 Waddan oo aan si wanagsan ula dagaalamin Tahriibayaasha , balse Dawladda Sudan ayaa dhankeeda beenisay eedeyamahaas , sheegtayna inaanay ka helin taageero xoogan Maraykanka iyo Dawaldaha Yurub oo u saamaxaya dawladda Sudan inay sii xojiso dadaaladeeda ay kula dagaalamayso Tahriibayasha.

Halkan Guji Oo Daawo Warkan Oo Muuqaala


Source: Aljazeera