Diiwaangalinta musharixiinta guddoonka aqalka sare oo Muqdisho ka bilaabaneysa.

0
Tuesday January 17, 2017 - 10:37:40 in by salman abdi
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diiwaangalinta musharixiinta guddoonka aqalka sare oo Muqdisho ka bilaabaneysa.

    Muqdisho(AFKA);Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ka bilaabato diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii maalntii shalay guddiga qaban-qaabada shaaciyeen xiliga la qabanayo doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ka bilaabato diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii maalntii shalay guddiga qaban-qaabada shaaciyeen xiliga la qabanayo doorashada.

Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada guddoonka aqalka sare Max’ed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), ayaa sheegay in maanta ay u fariisan doonaan inay diiwaan geliyaan musharixiinta dooneysa inay hogaamiso xildhibaanada aqalka sare.

Diiwaan gelinta musharixiintaasi ayaa socon doonto ilaa maalinta Khamiista oo ay taariiqda ku beegan tahay 19 bisha Janaayo.

Sida jadwalka ay ku soo saareen guddiga doorashada aqalka sare, waxaa maalinta Sabtida khudbadaha laga dhageysan doonaa musharixiinta dooneysa xilka guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, 22-ka Bishan oo ku beegan maalinta Axada ayaa waxaa dhici doonta doorashada guddoonka aqalka sare, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka aqalka Sare.