Taxanaha Taariikhda Abwaan maxamuud Cabdilaahi(Geestiir)

0
Wednesday January 18, 2017 - 22:14:38 in by salman abdi
  • Visits: 4384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Taariikhda Abwaan maxamuud Cabdilaahi(Geestiir)

    Ka Mid Noqoshadii Kooxda Waabari Ee Abwaan Geestiir Oo Ku Beegnayd Sida Ku Cad Astaanta Kooxda Ama Sumada Id Cardka Oo Waaga La Siin Jiray Qof Kasta Oo Ka Mid Noqda Kooxda waabari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka Mid Noqoshadii Kooxda Waabari Ee Abwaan Geestiir Oo Ku Beegnayd Sida Ku Cad Astaanta Kooxda Ama Sumada Id Cardka Oo Waaga La Siin Jiray Qof Kasta Oo Ka Mid Noqda Kooxda waabari Xubnihii Sida Wayn Ugu Soo Dhaweeyay Kooxda Waabari Waxa Ka Mid Ahaa :- 1.Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub) 2.Aamina cabdilaahi Xirsi 3.Sahra Axmed 4.Abwaan Xasan Ganey 5.Cabdi Tahliil 6.Boon Xirsi (AHUN) 7.Tiriig Caashi 8.Canab Aw Daahir 9.Maxamud Maxamed Cige Busi…. Iyo Xubno Kale Oo Aad Tiro Badan . Ruwaayadii Koowad Ee Uu Sameeyay Abwaan Geestiir Ee Ay Kala Qayb Galaan Xubno Ka Tirsan Kooxda Waabari Iyo Fanaaniin Kaleba Ayaa Ahayd (Waxaan Daacad Ahaynba Dib Uun Buu Ka xumaan ) Oo Lagu Dhigay Magaalada Burco Horaantii 1991 Dib U HeshiiSiintii Soomaliland .. ..... Xubnaha Dhigayay Ruwaayada Waxa Ka Mid Ahaa ...... 1.Aamina Cabdilaahi Xirsi 2.Cabdilaahi Axmed Dafe 3.Cabdi Qaalib (AHUN) 4.Sareeye (AHUN) 5.Ruun Xadi 6.Awoowo Abwaan Caateye Xuseen (AHUN). Ruwaayadi Labaad 2 oo iyadna Ahayd (Da'da Maanta Iyo Duruufa Jira) Oo Lagu Dhigay Magaalooyin Ka Mida Itoobiya. Oo Ay Kala Qayb Qaateen :- 1.Abwaan Maxamuud Tukaale 2.Abwaan Dafe 3.Jilaaga Wayn Awkuuke.. Intaa Waxa Weheliya Kooxdii Horyaal oo Uu Wakhtiyadii Danbe Ka Tirsanaa Abwaan Geestiir Oo Safar Ugu Baxday Magaalada Addis Ababa Isla Markaana Ku Soo Babdhigtay Goo Goosyo Tiyaatarka Addis Ababa oo ka Hadlayay Waaqaca Markaa Jiray Oo Ahaa Burburkii Dalka. Heesihii Ku Jiray Waxa Ka Mid Ahaa Hees Ay Qaado Aamina Cabdilahi Xirsi . Oo Uu Sameeyay Abwaan Geestiir Waxa Midha ha Heesta Ka Mid Ahaa :- Sidaan shekada ku helay Sharciyo dhaqan baan lahayn Shakaala qofkii qaldama Labada shaydaan dhex galo Intaanu shux shux doodu badan Sharafta aadmigu ka tagin Dhakhsa loo shaafin jiray Dadkii sharka diidi jiray Sheekhii kala waanin jiray Tolaw shafku dhogorle iyo Miyaanu run sheegba jirin Kooraas Maxa nabadii shareero Shidiyo dhibka noogu wacan Ma shii baa lagu jiraa Tolaw umad kala shikiday Maxaa lagu shaafiyaa Waxa Kaloo ka Mid Ahaa Heesaha Wacyi Galinta Ee Ay Kusoo Bandhigeen Tiyaatarka Addis Ababa Oo Ahaa Waaga Meeshii Ugu Badnayd Ee Ay Ku Urursanayd Umada Somaliyeed Maadaama Ay Soomaliya Ahayd Wakhtigaa Meel Dagaalo Sokeeye Ka Socdaan Oo Laga Qaxay . Heestan Oo aay Qaadaysay Fanaanada Ruun Xadi Saban oo Uu Sameeyay Abwaan Geestiir Waxa Ereyadeedi Ka Mid Ahaa :- Waagii baryaba War xunban maqla Weerar iyo colaad Kii hore ka wayn Soomaaliyeey Isma weheshatooy Somaaliyeey Wadan keeda iyo Walaal keed rumaad Weeraha u loogaay Wax yeelad ku gaadhiyo Waayeelka dabar go ay Wiglada u cayaaraay Soomaaliyeey kooras Waxay tahay murtidu Waanada qofkii Alle waa fajay Wehelkiisa tahay La Soco Qaybta Labaad …. Dhamaad

Qalinkii : Abdiraxmaan Geestiir Maano