Hordhac: Chelsea vs Hull City – Blues Oo Fursad U Heysata Iney Dheereysato Hogaanka Horyaalka

0
Sunday January 22, 2017 - 09:22:30 in by Burco Office
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea vs Hull City – Blues Oo Fursad U Heysata Iney Dheereysato Hogaanka Horyaalka

    Chelsea waxey caawa diyaar u tahay iney si walba adkeysato hogaanka horyaalka iyadoo fursad u heysata iney kordhiso dhibcaha ay hogaanka kaga heysay Spurs, walow ay macquul tahay iney booska labaad timaado Gunners oo kulankooda ka hor la ciyaaraya Bu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea waxey caawa diyaar u tahay iney si walba adkeysato hogaanka horyaalka iyadoo fursad u heysata iney kordhiso dhibcaha ay hogaanka kaga heysay Spurs, walow ay macquul tahay iney booska labaad timaado Gunners oo kulankooda ka hor la ciyaaraya Burnley.

 

 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka:Chelsea vs Hull City

Tartanka:Premier Leageu

Garoonka:Stamford Bridge

Garsooraha:Neil Swarbrick (England)

Saacadda: 7:30Fiidnimo(XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Diego Costa ayaa diyaar ah kulankaan kadib markii uu kasoo kabtay dhaawacii uu qabay, balse lama oga hadii uu safka h--e kusoo bilaaban doono kulanka caawa.

John Terry ayaa isna kasoo toosay ganaax, waxaase macquul ah inuu badal ku yimaado qeybaha dambe ee ciyaarta hadiiba loo baahdo.

Dhanka kale Robert Snodgrass ayaa dhaawac ah waxaana shaki laga qabaa inuusan ciyaarin madama uu xanuun dhanka muruqa ah u waayay tababarkii ugu dambeeyay.

XAQIIQADA KULANKA:

Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin 9-kulan oo ay Hull City kula kulantay horyaalka Premier League, 7-guul iyo 2-barbaro, sidoo kalana lix jeer ayey shabaqooda ilaashadeen.

Kaliya goolka ay Hull City ku dhalisay Stamford bridge wuxuu yimid August 2009,Stephen Hunt ayaa hogaanka u dhiibay Tigers, balse 2-1 guuldaro ah ayey qaateen.

Diego Costa ayaa dhalinayay gool sadexdii kulan oo uu ka hor yimid Hull City sidoo kalana laba gool ayuu caawiyay.

 

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea (3-4-3 formation):

Courtois; Cahill, Luiz, Azpilicueta; Alonso, Matic, Kanté, Moses; Pedro, Willian, Hazard

Hull City (3-5-2 formation):

Jakupovic; Davies, Dawson, Maguire; Robertson, Clucas, Mason, Huddlestone, Diomande; Hernandez, Snodgrass