Somaliland Gobol Ka Mida Maraykanka W/Q Maxamed Andar

0
Thursday January 26, 2017 - 14:51:53 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Gobol Ka Mida Maraykanka W/Q Maxamed Andar

    waxaan sigaara halkan uga tacsiyaynayaa magacyada ,aqoonyahan, iyo siyaasi kuwaas oo aan odhankaro waxay gabeen doorkii ay ku lahaayeen ka qayb qaadashada hanaanka iyo horu socodka qarankeena amaba aan yidhaahdo waxa ay hilmaameen lexejecladii ay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaan sigaara halkan uga tacsiyaynayaa magacyada ,aqoonyahan, iyo siyaasi kuwaas oo aan odhankaro waxay gabeen doorkii ay ku lahaayeen ka qayb qaadashada hanaanka iyo horu socodka qarankeena amaba aan yidhaahdo waxa ay hilmaameen lexejecladii ay ka lahaayeen qaranimada Somaliland, maanta qofka ay tahay in uu u damqado qarankiisa waxaa ka kow ah aqoonyahanka amaba siyaasiga, oo ay soo raacdo ganacsatada waawayn ee dalka, kuwaas oo ay tahay in ay u tudhaan magaca qaranka iyo waliba shacabkeena tabaalaysan.

 

Iyada oo aynu ka war qabno xaalada abaareed ee ka taagan guud ahaanba gobolada Somaliland ayaa hadana dhanka kale aad moodaa in aynu shacabkeenii dab kaga shidayno gees kale, aniga oo u aanaynaya siyaasiyiinta iyo waliba ganacsatada waawayn ee  dalka kuwaas oo muujiyay arin aanay maanta u qalmin shacabkeena abaaraysani taas oo ay ka kaw tahay sixirbararka aafeeyay goboladii dalka,waxaanaan waxba yahay ku tilmaamayaa dadka maanta isu yaqaana aqoonyahanka dalka kuwaas oo ay ahayd in siyaasiga dharagsan amaba ganacsatada waawayn ee dantooduun wata ay runta usheegaan, hase yeeshee ka gaabsaday kuna daawanaaya shacabkooda in lagu qasbo lacag qalaad oo inooga timi dalka maraykanka sixirbararka maanatana ka kaw ah.

 

Waxaa maanta Ayaan daro inagu noqotay in aynu gacmaheena ku dabar gono lacagteenii qaranka Somaliland isla markaana aynu sabab u noqono in sixirbarar iyo qiimo dhacba ku yimaadaan wadankeenii iyo lacagteeniiba taas oo badalkeeda aynu ka horumarinayno lacag aynaan shuqul shaqal toona ku lahayn taas oo ah dollarka, amaba aynu u guurno lacag  hawo ah oo aynaan ka fekerin halka ay sal iyo raad ku leedahay.

 

 

 Hadaba aaway waxgardkeeenii ka fekeri lahaa horumarka wadankeena? Maanta ma jirto cid war uhaysa ama ka fekeraysa mustaqbalkeena danbe, madax iyo mijaba ma jirto cid war u haysa xaga ay lacagtii qarankeenu usii dabar go,ayso . waxaaana, aynu noqonay dhalaan leexo jilicsan ku ciyaaraaya isla markaanna sugaaya inta, ay leexadaasi la go, ayso.

Qofwalba oo muwaadina maanta qarankeena masuul ayuu ka yahay waxaana inagu sumcad daro ah in aynu ka guurno wax magaca qarankeena iyo astaanteenuba ku taalo, inaga oo u guurayna lacag wadan aynaan isku dhaqan iyo diintoona ahayn amaba u guurayna lacag hawo ah oo shaqsiyaad gaari leeyihiin.

 

Waxaanu shaki ka taagnayn in doorkii ay ku lahaayeen qarankooda Somaliland ay gabeen dhamaanba dadka isu yaqaana aqoonyahanada,siyaasiyiinta iyo waliba ganacsatada waawayn, kuwaas oo iyagu aan wax dareen ah xataa ka qaadan burburka qayb kamida astaantii qarankeena, hadii aad tahay qof wax garada amaba siyaasiya amaba in uun lexe jeclo kale qarankeena maaha inaad ka aamusto oo aad daawato wax lid ku ah amaba hoos udhigaaya qaranimadeena.

 Bal hadaba hadii aad tahay qof ka fekeraya danta iyo jiritaanka qarankeena meday lacagteenii, waa suaal iswaydiin mudan? waxaynu si toosa uga warqabnaa in qayb kamida lacagtenii ay hada si rasmiya uga dabar goday wdankeenii taas oo madax iyo mijaba aanay jirin cid is waydiisay maxay lacagtani u dabar goday?

 

Maanta waxaa dabar goyn ba ani ku  timi badh kamida lacagteenii, hadii siadan aynu kusii soconana waxaanay suaali ka taagnayn in,inta hadhayna lawaayi doono, waa hadii aynaan xal buuxda u helin arintan maanta taagan, waxaynu nahay qaran dhisan misana doonaya in uu horumar ku gaadho ictiraaf iyo aqoonsi waxaynu nahay qaran leh calan inoo gooniya  iyo lacag inoo gooniya mana wanaagsana in lacateenii qarankeenu ku suntanaa aynu ubedelno lacag shaqsiyaad gaari leeyihiin inaga oo ilbax nimo ka dayayna, waayo waxay ka dhigantahay inaga oo calnkeeniii calan kale ka barbar taagnay.

 

Haadaba hadii aynu maanta madax iyo mijaba wada sugayno lacag dollara oo laga leeyahay wadanka maraykanka misana aynu hoos u dhigayno lacagtii qarankeena, waa iga suaale miyay naan ahayn gobol ka mida maraykanka.

 

 

 

Somaliland Gobol Kamida Maraykanka W/Q Maxamed Andar

Gamail: maxamedqani122@gmail.com

Facebook: Maxamed Andar

 

Mahad Naq Gaara: Xamse Dayib Muuse

 

 

 

 

 

ALLA MAHAD LEH