Jordan Ayew & Andre Ayew Oo Xulka Qaranka Ghana Ka Caawiyay In Ay U Soo Baxaan Afar Dhamaadka AFCON 2017 Iyaga Oo Guul Ka Gaadhay DR Congo.

0
Monday January 30, 2017 - 13:03:13 in by Burco Office
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jordan Ayew & Andre Ayew Oo Xulka Qaranka Ghana Ka Caawiyay In Ay U Soo Baxaan Afar Dhamaadka AFCON 2017 Iyaga Oo Guul Ka Gaadhay DR Congo.

    Xulka qaranka Ghana ayaa u soo baxay afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay ka soo gudbeen imtixaankii xulka qaranka laga yaabanaa ee DR Congo waxaana guushan muhiimka ah Ghana ku hogaamiyay Jordan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Ghana ayaa u soo baxay afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay ka soo gudbeen imtixaankii xulka qaranka laga yaabanaa ee DR Congo waxaana guushan muhiimka ah Ghana ku hogaamiyay Jordan

Ayew iyo Andre Ayew oo Ghana sabab ugu noqtay in ay dhinac iskaga dhigto DR Congo oo intii uu tartankani socday wacdaro soo bandhigtay, waxayna guuldaro xanuun badan kala kulantay Ghana oo ka mid ah xulalka ugu cad cad ee koobkan loo saadaalinayo inay ku guulaystaan.

DAQIIQADII 63 AAD Jordan Ayew ayaa gool cajiib ah xulka qarankiisa Ghana u dhaliyay si uu meesha uga saaro ismari waagii waqtiga dheer soo taagnaa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 uu xula qaranka Ghana hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 68 AAD xulka qaranka DR Congo ayaa la yimid goolkooda barbaraha waxaana markiisa gool qurux badan oo uu goolka Ghana meel fog ka soo toogtay goolkan ku dhaliyaM’Poku waxayna ciyaartu noqotay babraro 1:1 ah oo ay labada xul qaranba ku haysteen fursad isku mid ah oo ay ku soo bixi kareen.

DAQIIQADII 74 aad DR Congo ayaa nasiib ku lahayd in aan kaadhka cas looga taagin xidigeeda Daniel Amartey iyada oo laacibka kooxda Leicester City uu qalad xun galay basle kaadhka digniinta ah oo kaliya ayaa loo taagay in kasta oo uu qalad xun galay.

Ugu danbayn waxaa guusha Ghana ku hogaamiyay Andre Ayew kadib markii qalad rekoodhe ah lagu galayChristian Atsu wuxuuna xidiga West ham ee Andre Ayew uu xulka qarankiisa Ghana sabab ugu noqtay in ay u soo baxaan afar dhamaadka koobka qaramada Afrika waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2:1 ay Ghana ku garaacday DR Congo.